Home Wararka Maanta Xisbiga Vänsterpartiet oo shir jaraa’id ku cadeeyay in aysan Xiligan u Codeyn...

Xisbiga Vänsterpartiet oo shir jaraa’id ku cadeeyay in aysan Xiligan u Codeyn karin Stefan Löfven.

0

Jonas Sjöstedt ayaa aaminsan, isla markaana ku wargeliyay af hayeenka baarlamanka in aan loo baahnayn in Löfven la hor keeno arbacada baarlamanka si loogu codeeyo.

– Marka waa in baarlamanka la hor keeno Ulf Kristersson, sida uu sheegay Sjöstedt.

– Sida ay xaaladdu iminka tahay iyo isku dayga in garoonka siyaasadda dibadda nalooga saaro, ma joogno goob aannu ugu codeeyno haa. Sidaa daraadeed ayaannu u dooneynaa tallaabooyin horey loogu socdo. Maalmaha soo socda waxaannu ka wada xaajoon doonnaa sidii xal looga gaari lahaa, waana mid aan hubo inuu Löfven qudhiisu middaa dooneyo.

– Haddii aanu is bedel ku dhicin xaaladda siyaasadeed, ma dhici doonto inaan sii deeyno, ma ahan suurtagal, sida uu sheegay Jonas Sjöstedt.

Dhanka kale hoggaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet ayaa soo dhoweeyey ereyadii Stefan Löfven uu saaka kaga dhawaaqay shirkiisii jaraa’id, kadib kulankii uu la yeeshay af hayeenka baarlamanka Sweden.

– Su’aalaha siyaasadda ee aan ku saleeysneyn miisaaniyadda ama heshiisyada ey afarta xisbi wada gaareen ayey ka wada shaqeeyn karaan xisbiyada S iyo V meelaha ey ka mideeysan yihiin, sida uu sheegay Stefan Löfven.

Somaliska Stockhom

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here