Home Wararka Caalamka 20 Sano Jir lagu toogtay Degmada Sollentuna ee Caasimada Stockholm

20 Sano Jir lagu toogtay Degmada Sollentuna ee Caasimada Stockholm

0

Nin 20 jir ah ayaa dhintay kadib toogasho ka dhacday Helenelund oo ka tirsan Degmmada Sollentuna.

Toogashada ayaa dhacday 5:30 galabnimo. Salaasadii shalay waxana falka uu ka dhacay xaafad Helenelund oo ka tirsan Sollentuna.

Ninka dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaalka iyadoo lagu qaaday ambalaas, waxaana subaxnimadii Arbacada ay booliisku sheegeen in ninka uu u dhintay dhaawacii soo gaaray. Qaraabadiisa ayaa la ogeysiiyay dhacdada.

– Waxa goobta jooga markhaatiyaal badan, bilayskuna waxa ay ururinayaan macluumaadka markhaatiga si ay sawir uga helaan waxa dhacay, ayuu yidhi afhayeenka bilayska Mats Eriksson.

AD
Previous article13 Sano jir meydkiisa laga helay keyn ku taala Haninge
Next article”Waa Dhibaato aanan Waligeed lagu arkin Sweden” Raisal Wasaaraha Sweden oo si adag uga hadlay Rabshadaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here