Home Wararka Maanta 13 Sano jir meydkiisa laga helay keyn ku taala Haninge

13 Sano jir meydkiisa laga helay keyn ku taala Haninge

0
Photo/TT

wiil 13 jir ah oo la la’aa shalay ayaa meydkiisa laga helay meel kayn ah oo ku taal Haninge.

Wiilka ayaa looga shakisan yahay in la dilay, waxaana booliiska ay baarayaan in falka dilka ah ay ka dambeeyeen kooxo burcad ah iyo in kale.

Wiilkan ayaa ka yimid magaalada Stockholm, waxaana la sheegay in la la’aa tan iyo Jimcihii la soo dhaafay, iyadoo eheladiisa la ogeysiiyay. kadib markii maydka la helay 06:00 subaxnimadii Isniinta meel kayn ah oo ku taal Haninge, booliiskuna waxay durba bilaabeen baaritaan horudhac ah oo ku saabsan dil looga shakisan yahay.

Intaa ka dib waxaa sii xoogeystay tuhunka in la dilay wiilkan, sida uu sheegay SVT Nyheter, wiilka ayaa la toogtay.

– Waxa aan odhan karo waxa weeye, waxa aanu la tacaalaynaa tuhun dambiyeed oo aad u culus, kaas oo ku lug leh dil loo geystay qof aad u da’yar. In dhibbanaha la dilay uu ahaa da’da yar lafteedu waa mid aad u xun waxayna muujineysaa waji kale oo ka mid ah rabshadaha naxariis darada ah, ayay tiri hogaamiyaha baaritaanka horudhaca ah Lisa dos Santos, oo ah dacwad oogaha sare, oo warbaahinta la hadshey.

Khilaaf ka dhex jira kooxaha gangiska ee ka dhisan sweden ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay iyadoo ay dhaceen dhoor dilal todobaadyadii ugu danbeeyay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/SVT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here