Xisbiga Socialka oo doonaya in ay meesha ka saaraan wasiirka Isdhexgalka

Xisbiga ugu weyn Sweden ee lagu magacaabo Socialdemokraterna (S) ayaa doonaya haddii ay dooarashadaStefan_Löfven soo socota ku guuleystaan in ay meesha ka saaraan wasaarada Isdhexgalka ee uu hadda hogaamiyo Erik Ullenhag, sida ay ku soo bandhigeen qorshaha xisbiga.

Qorshaha cusub ee xisbiga oo lagu ansixin doono kala fadhiga guud ee xisbiga Social Demokraterna oo ka dhici doona magaalada Göteborg bisha April, ayaa waxaa ka mid ah in aan loo baahnayn wasiirka isdhexgalka. Waxaa qorsha lagu muujiyay in erayga “Isdhexgal” uu yahay mid dhibaato leh, maadaama uu bulshada u kala qeybinayo kooxo kala duwan.

Xisbiga Social Demokraterna (S) ayaa ka dambeeyay abuurista wasaarada isdhexgalka sagaashameeyadii, iyagoo xitaa abuuray hay’ad lagu magacaabo “Integrationsverket” oo markii dambe xisbiga Moderaterna ay meesha ka saareen. Xisbiga Socialka ayaa waqtiyadii dambe u muuqda in ay yihiin kuwo aan sidaas ugu soo jeedin arimaha isdhexgalka iyo soo galootiga. Xisbiga ayaa xitaa aan lahayn afhayeen uga hadla arimaha isdhexgalka iyo socdaalka.

Qorshaha cusub ee xisbiga ayaa lagu sheegay in isdhexgalku uu yahay arin taabanaysa dhamaan siyaasada dowlada isla markaana ay hoos tagi doonto wasaarada cadaalada. Xisbgia Social Demokraterna ayaa ah kan ugu weyn Sweden isagoo doorashadii la soo dhaafay 2010 ay Soomaalida ku nool Sweden inta badan u codeeyeen.

 

Sidee u aragtaa in meesha laga saaro Wasiirka Isdhexgalka? Ku darso fikradaada…

34 comments

  1. min åsikt

    waxan ila tahay inay tahay arin lagu dag dagay oo aan faa,ido keenaynin, waayo waa loo bahan yahay in bulshadu is dhex gasho oo la is fahmo si u suuro gasho nolol fiican iyo is fahan waara, markaa rayi ahaantayda ilama qurux badna in meesha laga saaro wasiirka is dhex galka oo aan amin sanahay inuu qabtay wax badan oo fiican. waa rayigayga oo kaliya.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. su,aal?

    waxaan akhristayaasha somaliska ka codsanayaa inay ila soo socodsiiyan waxii war bixin ah ee ay ay ka hayaan maxkamada förvälltningrätten i göteborg oo mudo ka badan lix bilood naga haysatay go,aan, iyagoo markii hore sheegay in qofka go,aan lagaga gaadho muso 4 bilood ah oo kaliya, markaan wacno waxay na leeyihiin dadka nagu badan ee suga markaa cidii macluumad igu dhaanto ama dhib ila mida qabta fadlan halkan iigu soo sheega, waxaan ahay aabo ubadkiisi ka maqnayeen mudo 4 sano ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Deeq

    waxaa ay ila tahay in hadda aysan ugu horeeyn social-ka arintaan balse sanadihii u danbeeyay oo dhan waxaa ay heesteen taageerada bulshada ajaanibta ah marka xil badan iskama saaraan soo galootiga balse xisbiyada kale waxaa ay u baahanyihiin iney helaan codadka soo galootiga oo saameeyn buuxda ku leh xiliyada doorashooyinka sidaas darteed social-ka maadaama ay jeebkooda ku hubsadeen ajaanib badan hadda waa is indho tirayaan’ lacagta ku baxda wasaaradaas waxaa ay ka mid tahay taageerada lasiiyo degmiiyinka ay ku badanyihiin dadka soo galaya wadanka waxaa kaloo laga soo saaraa lagana dhaqan giliyaa shrciyada quseeya soo galootiga si loo soo marsiiyo baarlamaanka. Hadda socialku waxaa ay u muuqanayaan kuwa raadsanaya taageerayaasha mitidiinta ah iyo kuwa dabaqadooda hooseeyso oo haatan taageera SD

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. abdirahman

    scw aniga waxay ilatahay in lagamaarmikaro waayo waa midab takoor marwalbo dhibaato ku haya qofka soo galootiga waqti badankaluminayo waayo wax ku hoosnool interation skulada luqada lagu barto oo macalimiinta laguu kenayo ay yihiin kuwaanku hagar baxeyn wax jiro dad badan oo wadanka joogay waqti badanluqadan yaqaano way cawinkaraan qofka kayimaada dalkooda xaga luuqada lakin looma ogola masahlana sida aad ku heshid shaqada way adagtahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. ahmed

    asc walaal waxaan kunolahay gotenborg maanta ayey warqad isodirtey maxakamada migrationka gotenborg wexey ileyihin identitikaada darteeda ayaan kugudidney marka arintaas ila hada maanfahmin sababta 2012 january wexey dehen identity malobahno e akhyarta o gotenborg jogto maxaan sameya ,sababta 2ciyaal ayaan haysta ,aniga iyo xaskeygana waxaan wan islajogna ,aniga sharci talyani ayaan haystaa,mahadsanidin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. hanad

    asc dhamaan asxaabta arinti 2sano maxaa warar cusub lagahayaa wixi akhbaar kahaya maxkmada ama meelokalehba ha inala so socodsiyeen isha allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Sihaam

    WAR MAHAYO AAD AYAAN USUGAYAY LAAKIIN WALI JAWAAB MAHAYO.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Ex-abdulla

    waxaan noloshay aan arkaan ama maqleen 2 caruur oo iska dhalacyan hadana xaska iyo ninka oo joogo Sweden oo diidayaan waaba yaab ,tan kale italya waa european union why o diidyaan migrationka?
    talo ban ku siina migrataion diimo bad qabta Förvalningrätten hadana diimo kale bad qabta haadaaleeyn marka kale codsiqa samey ilaa aad eesid kadiib waad ilaaysaa insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. MUSTAFE

    HANAD SXB WAAN KU SALAAMAYA ADIGA IYO SIHAAM IYO ASXAABTA 2SANO WALAAL ANIGA MAANTA WAXA I SOO WACAY NAAGTA KIISKAYGA GACANTA KU HAYSA WAXAY I TIDHI ILAA 19BISHA HAYSATAA WAXAN KU OGOLNAHAY LABADA CARUURA KALIYA MARKA TALO WAY IGU CIIRSAN TAHAY ILAAHAY GAALADA HAY NOOGA SAHLO WAA GO,AANKII KUGU DANBEEYEY MARKAA WALI GO,AAN MAAN QAADAN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. MUSTAFE

    WAXA KALOO JIRA GABADH MAGAALADAYDA DEGAN OO MAXKMADA GOTENBORG MAANTA U SOO OGOLAATAY WAXA KA MAQAN NINKEEDA WAXAYNA HAYSATAA LABA CARUURA MARKAA BISHII 9 EE 2012 BAY APEAL XARAYSATAY MARKUU MIGRATIONKU DIIDAY MAANTA LOO SOO OGOLAADAY LAAKIIN MUDO BADAN BAY SUGAYSAY MARKAA HADA DHIIGA LAGA QAADAYAA WALAALAYAAL

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. hanad

    MUSTAFE ANBA SIDA IDHAHEEN ILMAHAGA KALIYA KU OGALAHAY IDHAHEEN LAKIN WAA KADIIDAY ANA MARKA HADA DIIDMADA WALI IMA SODIRIN LAKIN ILMAHA KALIYA MARNA KALIGIS LAMA KENAYO KUDHAHAY

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. hassan

    marka hore waan idiin salaamey asxaabta somaliska sidaas daraadeed waxaan hal su.aal u sheega ninka ahmed la dhahaayo sxb jabka hada aad jookto waala soo marey ee meshan hasku dhejin ee ka kac fadhiga ee italia aad ee safarada roma ay ku lee dahay swedhan tag ee foomka kasoo xareyso ama internetka ka xareyso mudo 40 cisho ayaa inter fiyuu ku mareysaa oo ilmahaga luguugu keena ee sxb maxkamed iyo afaarahas ka bax talu ayaan ku siina ee sxb waxaas hore ayaa luu soo marey ee dadka 2 sano lagu hesto ilahey ha usoo saqiro ducada hala badiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Abdi

    Walaalayaal dhamaanteeyn Ilaahey hanoo wada kaalmeeyo. Ducada aan badino. Insha Allahu Ilaahey waa saqiri doonaa. Allahu kariim.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. hanad

    WAXAAN U JAWAABAYA AHMED, KU SUGAN GOTEBORG, WAXAA LA DIIDAY MAAMADEENA OO AAY U DACWOONEEYSAY QOF KA YAR 18 SANO. MARKII WAXAA LAGU DIIDAY SHARCIGII AQOONSI LA IMOOW BALSE MARKII SHARCIGA IS BADALAY, WAXAA LA XARIIRNA MIGRATIONSVERKET, WAXEEY NAGU DHAHEEN SHARCIGII HORE WAA LA BADALAY HOOYADIINA MAR KALE HA SOO XAREEYSATO DIB BAAN U XAREEYNAY, MARKIIBA DNA KA DIBNA WAA LA OGOLAADAY. WAXAA KUGULA TALIN LAHAA IN DACWADDII DIB U SOO XAREEYSO AMA MIGRATION WACDO, WEYDII MAGACA QOFKA KIISKAAGA GACANTA KU HAYA WAQTIGA LA HELI KARON IYO TELFOONKIISA. ISAGA U BADAN TAHAY ARINTAA INUU KAA CAAWIYO MADAAMA SHARCIGII HORE ISBDALAY. LAAKIIN HADDAAD UGANDA OO KALE JOOGAAN CARUURTA SI TOOS SAFAARADDA MAR KALE UGA XAREE ARINTAA DAD BADAN BAA KU GUULEEYSTAY SIDAA.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. hila l2sano

    asc walaalahayga sharaftale inta kadib waxan sual wedinayaa .mustafe walaal gabadha aad sheegtay oo loo ogoladay nin keeda ilmaha ama awal hore ayay dhiiga maren mise inta ogolansho la siiyay ayaa dhiigna loodiray hada. taa ifahansii adoo raali walalkey? wlaal aniga waxaa iga maqan odageygii waxna haysta 1ilma dhiigna lagama qaadin markii abaha laga soo qaday dhiiga. bey fomnoo soo diren waan celiney kadib meeshan in dhiiga nalaka qaado sugeynay ayaa diidmo nala siiyay.walaalayal illahey dhamanten hanoso fududeyo. wixii kheyra insha allaah wabilahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. abdulla

    Asc,Ahmed waa in ka kacdo waye, koley a daalin tan kale online hada xareyso oo italy ah, Allahu sahlo dhamaad

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. aabo soomaliyed

    dhaman reer somaliska sida aad udhan tihiin waa idiin salaamey salan ka bacdi waxaan jawab ka raba foomka marka cida luu soo diro ilaa iyo meeqa qadaneysa aad jawaab lagugu soo diri karaa ani janaayo ayaa fuumki ciliyey welina wax jawaab ah ma arkin ee magareshinka mala wici karaa mala weydiin karaa mise waan iska sugaa intii macluumad ah iga dhaanto ha iiga soo jawaabto wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. sumayo

    asc waan idin wada salaamay akhyaarta somaliska kuxiran oodhan. walaal MUSTAFE ayaan su,aal weeydiinayaa. gabadha loo ogolaaday ninkeeda ma horay ayeey usheegatay mise waa dadka inta katagay ee sooguursaday walaal adoo mahadsan arintaas iisoo cadee.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. MUSTAFE

    asc to HILA WALAAL GABADHA WAXAY TIMID HALKAN IAYADA OO UUR LEH KA DIB SWEDEN BAY GABADH KU DHASHAY MARKII DACWADU XIRNAYD KA DIB WAXAY U DACWOOTAY NINKEEDA WAA LOO DIIDAY HADANA DIB BAY U LAABATAY UUR KALE AYEY SOO QAADAY HALKAN BAY KU DHASHAY MARKA WAXAY HAYSATAA 2GABDHOOD MARKAY DACWADA CUSUB HADA XARAYSAY MIGRTIONKU DIIDMO AYUU SOO DIRAY XATAA DHIIG LAGAMA QAADIN IYADA IYO XATAA AABAHA APEALKII BAY XARAYSAY 2012 BISHII 9 MARKAA HADA LOO SOO OGOLAADAY MARKAA HADA DHIIGA LAGA QAADAYA WAXANA MAXKAMADU GO,AAMISAY IN CADAYNTA DHIIGA KU FILAN YAHAY KA DIB DNA MARKA LAGA QAADO HADAY IS NOQDAAN SHARCIGA LA SIIYO AABAHA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. MUSTAFE

    ASC SUMAYO WALAAL AFRICA MARKAY KA TIMID IAYDOO UUR LEH AYEY HALKAN TIMID MARKAA ODAYGA WAY QORATAY HADANA WAXAY HAYSATAA 2CARUURA LAAKIIN WAXAY KU JIRTAA DADKA LAGU HAYSTAY 2SANO NINKAAGA LAMAAD SOO NOOLAYN MIDA KALE MAXKAMADA AAD BAY UGA RAAGTAY WALAAHI BUUFIS XUN BAA KU DHACAY MARKAA KOLAY HADA DHIIGA LAGA QAADAYA 100% WAXAY TAHAY IN AABAHA AFRICA JOOGO SHARCIGA LA SIIYO LAAKIIN DHIBAATADAWAXAY KA TAAGAN MIGRTIONKU HABA KU DIIDE MAXKAMADAN BAA IYANA KA AAMUSAYSA MUDO WAAD MAHADSAN TAHAY

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  21. Sihaam

    MAHAD SANID MUSTAFE, GABADHAA IYO ANIGA AYAA ISKU MID AH MA JIRAA MEEL AAN KALA XIRIIRI KARO SI AAN UGA WAREYSTO QAABKA AY APPEALKA U XAREYSATAY

    MAHAD SANID

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. ifrah

    haa wa ruun makaxmada aya wakhtii dheer qadanaysa waayo markan weeydiyay waxay tiri naagta ii gacan yaraha ugu badnan wa 6 bilod laakin waxan ilah kabaryena in qof kasto islana muradkisa u soda dajiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. wadani

    asc walalha dhaman wan idin salamay waxan raba in an meshan ugu war bixiya qofki nasib u yilatay o ogolansha u heshay dadkedi in ay bilawday rodakushka in ay so qada ay lacagta ka bixinayan inyar o laga qadaya mahine marka qofki daneynaya hala xarira

    wabilahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. MUSTAFE

    SIHAAM INSHA ALAAH ANAA KU SOO QORI TELKEEDA 20 BISHA DHIIGA AYEY MARAYSAAA

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  25. Hilal 2sano

    mahadsanid walal mustafe anna maxakamad ayaan jawaab kasugaa insha allah waan arkeynaa waxay dhahan wana idinlasoo socodsinaya.asc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. abdala

    to musdafe walal aad ayaan uga xumahay in ay sidaaa kugu dheheen aduunkana wax walba waad arkeee wax cusubna mahan in la yiraaa ilmaha ayaan kuu keeneynaaa ee diyaar ma u tahay waayahaan wey socote talo hadiii aan ku siin lahay sida meesha ku qoran waxaad tiri waxaan heestaaa ilaa 19 bisha arinkaas advokat la xariir una sheeg dhibka ku heesta wax sharci ah mahan walal in qof la yiraaa ilmaha ayaan kuu keenaa hooyadana maya marka sxb arinkaas sharciga la abaar xataaa hadiii aad markaas looyar fican weyso röda kurs deg deg ula xariir

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. sumayo

    MUSTAFE mahadsanid walaal. asxaabta iyo mustafaba waxaan idin weeydiinayaa walaalayaal qof inta katagay oo sooguursaday oo maxkamada soo ogolaatay ma aragteen ,mamaqasheen.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. Iniin

    Asc asaxaabta sharafta leh dhamaantiina alx sida aan isaga war qadaneeno waa wax lagu farxo. Mustafa si qasa fikir u siinayaa mustafa bro ilmahaga kaliya in laguu keeno qiimo kuuma lahan aanay la socon hooyadi aad ka dhashay ee aaad jecleed mustafe hadaad ku adkeesato in aad gabadha ka soo qaado yaa xanaaneenaya ragaa nahay dumarku waxa ay naga hayaan ma heen karnee mustafa bro ilmahaaga iyo xaaskaaga ku dagaalan ilaa meesha ugu sareedo lagaar haday hooyadu kaa aragto ilmaha kaliya inaad rabto waa niyad jab ku imaanaya hooyada kuu heyday ilmahaga adna ku jecel oo xaaskaga dhib iyo dheef kula qeebsan laheed bro adiga iyo inta kula mida kiiskiina u gudbiya maxkamad waa intaasuu qeer ka soo baxaa ha sahlanin ilmaha iyo hooyadood kalama maarmaan bro waa iga talo waxaan qalday naf iyo sheydaan beey u ahaadeen waxaan saxayna alaha weybee u ahaadeen aniga idinla hadlay ubadkeega si caadiya uma arag sawir mooyee waxaan idiin dhaafayaa keyr

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  29. cadde

    shukran dhamantin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. mustafe

    ABDALLA IYO INIIN WALAAL AAD BAAD U MAHADSAN TIHIIN HORTA WAXA QALAD AH HOOYO IN LAGU DHAHO CARUURTAADA KEEN LAAKIIN HADANA WAXA JIRA DURUUFO BADAN OO ANIGA SI GAARA I HAYSTA LAAKIIN WAAN DADAALAYA KOLAY BARO RÖD CROSSTA WAA LA BALAMAY LAAKIIN WALAAL MAXKAMADA LAFTIGEEDA DHIBAATO KALA AH MARKAA ILAAHAY MURAADKA HA SAHLO WAAN KALA WAR QAADAYNAYNAA AKHYAARTA 2SANO

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  31. layla

    dhamaan akhyaarta 2 da sano aadbaan idiin salaamyaa walaayaal ayaamahaan qaar naga mid ah baa war kahelay megrationsvarketka runtii hanad iyo mustafe aadbaan uuga xumahay arintaan waana waraan lagu farxin inta waxkasugeysa meeshan oodhanba uma wanaagsana in ey lakulmaan niyad jab ama akhbaar eyn ku farxin laakinse qadarka illaahey baa wax walba kahoreeya isagaana ku qanacsannahay insha allaah kheyrbaa dambeya dadka loosoo jawaabaayo waa nasib qofkastana calakiisa maseegayo illaah anagana hanooga soo qaado aaaaamin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. su,aal?

    bishii sagalad ayaan xareeyey ilaa hdana waan sugayaa maxkamda walaahi yaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. cadde

    ok

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. hanad

    MUSTAFE DIIDMO ADI MIYEY KUSO TUREEN MISE CARUURTADA HADA RABTID IYO HADI KALEH NOSO KALA SHEG KUDHAHEN ANIGA WARAAQ ISO DIREEN AH INA ILMAHA SHARCIGA SINAYO ANA WAA KA DIIDAY WAANA UDIRAY WALI WAA AMUSANYAHAY

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga wararka Soomaalida Sweden. Wararka Nolosha Sweden.