Booliska Stockholm oo joojiyay ugaarsiga soo galootiga

8

Booliska Stockholm ayaa ku dhawaaqay in ay joojinayaan mashruuc ay wadeen bilihii ugu dambeeyay oo ay dadka polissoo galootiga ah ku waydiinayaan aqoonsigooda si ay u soo qabteen dadka sharci darada ku jooga Sweden.

Mashruucaan oo loogu magacdaray Reva ayaa dhaliyay cambaareyn balaaran oo loo jeediyay booliska, ka dib markii la ogaaday in ay beegsanayaan dadka madoow iyo dadka kale ee u eg soo galootiga. Booliska ayaa hada ku dhawaaqay in mashruucaan uu ahaa mid aan weyneyn isla markaana uu noqday mid hadalkiisa batay. Sidaa darteed ayay sheegeen in la joojinayo hawlahaas.

Bilhii la soo dhaafay ayaa la arkay booliska oo dadka soo galootiga ah aqoonsi ku weydiinaya goobaha tareenada. Waxaa kale oo soo baxday in dadka ay joojiyeen inta badan ay noqdeen kuwo wadanka sharci ku leh, arintaas oo fashil ku keentay hawlihii booliska.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka iyo xitaa wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag ayaa cambaareeyay arimaha ay ku dhaqaaqeen booliska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here