Xaflad loo dhigay arday ka qalinjabisay dugsiga sare ee katrineholm [Video]
By Jimcale
On June 15, 2011 At 08:49
Category : Waxbarashada / Utbildning
Tags : Katrineholm
Responses : Comments are off for this post
Related Posts
- Wasiirka isdhexgalka oo booqasho ku tagay Katrineholm [Video]March 27, 2012
- Kamuunka Katrineholm oo ka cabanaya qarashka ku baxaya mideynta reeraha SoomaalidaJanuary 7, 2012
- Mudaharaad ka dhacay Katrineholm [Video]June 3, 2011
- Aabe gabadhiisa dilay oo 18 sano lagu xukumayMarch 21, 2011
- Katrineholm: 300 oo caruur Soomaali ah ayaa imaan kartaMarch 10, 2011
Tiro arday Soomaali ah ayaa sanadkan ka aflaxday ama ka qalin jabisay dugsiyada sare ee wadankan Swedan kuwaas oo u gudbaya heer jaamacadeed, waxaana ardayda Soomalida ah ka mid ah afar arday ah oo ku nool Magaalada Katrineholm waxa ayna kala yihiin Maxamuud Ismaaciil Ceydiid, Haboon Maxamed yuusuf, Maxamed C/laahi Xasan, iyo Samiira Macalin.
Ardaydan ayaa guul fiican ka soo hooyey halgankii ay u galeen xili dugsiyeedkooda, taas oo aakhirkii keentay in ay 12kii bishan June in ay koofiyadaha tuuraan, waxaana taasi ay farxad gaar ah ku beertay waalidiintii dhalay caruurtan iyo dhamaan Umada soomaaliyeed ee ku nool wadanka swedan gaar ahaan Magaalada Katrineholm.
ka dib xafladii dugsigooda loogu sameeyey ayaa waxaa la isugu yimid fagaare weyn halkaas oo ardaydan soomaaliyeed lagu gudoonsiiyey abaal marino qaali ah kuwaas oo ay ku talo galeen waalidiinta, walaalaha iyo asxaabta gaarka ah, waxaana dhamaan wijiyada dadkii halkaasi goob jooga ka ahaa ka muuqday farxad iyo reyn reyn.
WD: XasuusTV
Comments are closed.


ASC HANBALYO HANBALYO, ASXBTA QALIN JABISAY WARAAQAHANA JEEXDAY WAXAAN U RAJEEYNAA GUUL INAAD KA GAARTAAN WAX BARASHADIINA 70% WAXAAN RAJEEYNAA INEEY NAQATO DHINACA DIINTA TAASAA ADUUN IYO AAKHIRO ANFAC LEHE. SI GAAR AH WAXAAN U SALAMAA WALASHEEY HABOON YUSUF
U codee:
1
0
congratulations manshaallah keep it up and work harder to bi some1 in the future u r still young ppl and alweiz dont leave behind ua culture and religion stick on those 2 u have all ma duca all of u ma ppl am proud to bi somali mwaaaaaaaaaabbbbbb to all somali weyn
U codee:
1
0
grattis grattis insha allaah anigana sidaas okale ayaan rajeynayaa illaah ha idinka dhigo kuwii waxbarashada ku dadaala anagaa illaah hanala garab qabto hoosha weyn oo aan uheyno soomali oo idil
U codee:
0
0
asc wr wb dhamaan ardayda ka qalin jabisay dugsiga sare gaar,ahaan rer katrineholm waxaan idin leeyahay hambalyo
noqoda ku diintooda iyo dalkooda anfac inshaa alaah intaa wax barshada wadana ku daa,daala ayaan idin leeyhay wcs
U codee:
0
0
masha allah wanku farax sanahay wllahi aniga wan jec lahay inaa wax barto waa hamigeega marka illah ha iga dhigo niin wax
U codee:
0
0