Waxbarashada aan dhamaadka lahayn iyo soo galootiga
By Jimcale
On December 13, 2011 At 10:41
Category : Warka, Waxbarashada / Utbildning
Tags : Erik Ullenhag, Nyamko Sabuni
Responses : Comments are off for this post
Related Posts
- SFI oo la doonayo in shirkadaha ay bixiyaan [Video]September 22, 2011
- Dowlada oo dooneysa in soo galootiga shaqeeya la siiyo lacag dheeri ahSeptember 8, 2011
- Cunsuriyada ka dhanka ah Muslimiinta iyo Yuhuuda oo siyaadayAugust 24, 2011
- Safarkii Hussein Samatar ee SwedenJune 10, 2011
- Soo galootiga iyo shaqo la’aantaMay 26, 2011
Mudo badan ayay cabasho ka muujinayeen soo galootiga waxbarashada aan dhamaadka lahayn ee ay ku
jiraan. Hadaba isbuucaan ayaa dooda waxaa ku soo biiray labo wasiir oo dowlada u qaabilsan arimaha soo galootiga kuwaasoo kala ah Nyamko Sabuni iyo Erik Ullenhag.
Wasiirada ayaa ku doodaya in soo galootiga loola dhaqmo sida dadka caadiga ah oo laga faaideysto xirfadahooda iyo aqoontooda. Labada wasiir ayaa ka dhawaajiyay dhibaatada ay leedahay waxbarashada aan dhamaadka lahayn ee lala daba joogo soo galootiga, qaasatan SFIga oo ay ku sheegeen in uu noqday goob kulan halkii uu ka noqon lahaa goob waxbarasho.
Labada wasiir ayaa ka dhawaajiyay isbedelka ay dowladu ku sameyneyso arimaha la xiriira soo dhaweynta soo galootiga iyo sidii ay suuqa shaqada ku gali lahaayeen. Hawlaha ay dowladu sameyneyso ayaa waxaa ka mid ah in macalimiinta SFI waxbarasho tayo leh la siiyo, in waxbarashada SFIga ay noqoto mid natiijo soo saarta iyo in la balaariyo cida bixineysa koorsada.
Wasiirada ayaa ka dhawaajiyay in SFIga loo sameeyo waqti xadidan oo dadku ay uga gudbaan dugsiga Kombux-ka. Waxay ka dhawaajiyeen in sanadkaan keliya ay dugsiga Komvux fadhiisteen arday gaareysa 80,000 oo u badan ajaanib.
Hadalka ka soo yeeray labada wasiir ayaa muhiim ah maadaama ay muuqato in ay dhageysteen cabashooyinka ka soo yeeraya soo galootiga oo mudo dheer ka cabanaya in laga dhigtay mashruuc lacag lagu qaato.
Comments are closed.

Arinloo baahan yahay in xal loo helo ayay ka dhawaajiyeen wasiiradu, balse tolow intee in la’eg ayay suura gal tahay in xalkood lagaaro dhabaatoyinka ka haysta soogalootiga bashruuca lagu qaato ee loo la dhaqmo sida caruurta oo kale
U codee:
0
1
Asc akhyaarta sharafta leh horta förslagaan waa soo dhaweynenaa sababtoo ah waa run macalimiinta sfiga marabaan in iskoolka laga dhamaado sababtoo ah 10 arday 2 ayaa shahaado laga siinaa 8 soo hartay shaqo ayaa laga dhigahaa waa qasab macalinka inoo heysto 10 ilaa 16 arday oo ku mashquulo
U codee:
0
0
saciida sis waa runta aniga sfi waxan dhax fadhiya 6år varje år waxay tidhada du kan inte klar prov test waxas ma socodnayan därför qofka wuxu leyahay najito waxan rajanaya förslag -gan in uu keen nytta
U codee:
0
0
Walaal Bishaaro SFI qura miya dhexfadhida 6sano oo waliba macalimad ayad cananaysa ,ma is waydiisay wali in uu qaladku dhinacaaga yahay,6sano wax macalin lagu canaanto maaha adiga ayay waxkaaqaldanyihiin badal qaabki hore eed wax udhaigan jirtay page cusub bilaw ma ogi da daada se above 30matihid kolay.mahadsanid
U codee:
0
0
Mala yaabayo waxaan u arkaa in ay Sweden ay Shaqadeedii iyo waxbarashadedii ay xidh xidhatay.sxba yaal walahi wadankan mauarko in wax natiijo ah laga keenayo ardadii aan malinkii aan wadanka imid SFIga dhiganayay ayaa wali sidii udhigta inkasta oo dhaliil aan leenahay hadana ma’arko natiijo muuqata oo Sweden laga helidoono. ee Please katashada meeshan……
U codee:
0
0
Yeene ,halkeed noowadaa wadan cusub miya inoo sahmisay,walaal lösningku ma aha katashada wadankan dadbadan oonatiijo kagadhay aya jiray SFi sanad waxkabadan loogumatalo galin inaga aaya caajisiin ee dib aan isugu noqono.
U codee:
0
0
Asc, walaalayaal markaan runta isu sheegno in yar oo innaga mida ayaa waxbarashada xooga saarta oo ku dadaasha, laakiin inteena badan soo galooti hadaan nahay waxay ku sheekeynaa lacag ayaan ku ilaashanayaa imaatinka skoolka ee dan kama lihi, haddaba ma waxan eeda saarnaa macallimiinta annagoon marna ka hadlin eeda qeybta aan ku leenahay.
Waad mahadsan tihiin.
U codee:
3
1
Qof kasta oo naga mid dan ayaa ugu jirta inuu barto ama fahmo wadanka uu ku nool yahay luqada lagaga hadlo ugu yaraan, markaan ku leeyahay ugu yaraan waxaad tusaale usoo qaadataa in canug aad dhashay oo skool dhigta la dhaho waalidkaa ha yimaado ayadoo laguugu wargelinayo waxbarasha xumada canugaaga uu isla asagii(canugaagii) turjubaan kuu noqday oo uu wax walba dhinaciii kale ee wanaaga kuugu fasiro adiguna aad taa run u qaadato bal ka waran qasaarahaas kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.
U codee:
3
1
Khadiiji kheir allah ha kusiiyo runta aya kahadashay aniga oo cunugaygu iiturjumayo schoolka ma uraaceen ceeb waay.
U codee:
0
0
waxaaas waa warka somalida sfi iyagaa raba in aay iska dhaxfadhigaan
U codee:
0
2
waxaa la yaabanahay somalida wax ey ku fiicatahay luqad kuma fiicna waxbarashada kuma fiicna nabada kuma fiicna wax ma iska maqlaan Horomar Malahan wax ey ku fiicanyihiin Lama arak taas ey sii dheertahay waxey wax ka sheegaayaan maclamiintii walaahi somalida wax ma barato isku xishooda wax yaalaha qaarkood waalaga xishoodaa .
U codee:
0
0
haa waa run somalida waa tirahda lacagta ku fiirsana,laakiin in badan oo wax barasho raba waa buuxaan tusale anaga fasal aan nahey garamatik ayaa xooga nala bara laakiin hadal ma nala baro oo is bar ayaa taal, laakiin hadan radino luqada waa la baran kara. arinta kale oo laga dhawajiyey oo ah meesha ayaa nalagu hayaa wax weyn kama jioran oo qofkii wax yaqan cidna ma heysan karto. ee soomaliyey aan barano luqada dalka aan ku nool nahey.shaqadana wan heleyna ee aan radino tuugsi laga fiicane.
U codee:
0
0
Jiijo dhinaca hadalka suuqa aya lagabartaa macalimad kumabarayso quda wadankii afka lagaga hadlayayba ayad jogtaaye ,Somalia oo english lagu baranayo camal aya uhadlaysaa sorry ,kaftan.com
U codee:
0
0
a.s aqyaarta waxa muhiim ah markaad SFI bilabeyso inaad shegato wax barashadii hore aad u soo dhigatay,SFI ugu badnaan waa labo ayaa lagu baran karaa qofkii firfircoonsano, 6 sano SFI la dhiganayo waa arrin igu cusub
U codee:
0
0
Naagta sanka balaaran sidaan isaga dhex arkay ilaahy uun ba og.
U codee:
0
0
walahi maclaimiinta ayagaa xasadiin ah qaar waayo, ardayga horay inuu u socdo ma rabaan, waxay ku fiirsadaan shaqadooda, qaladka maahan soo galootigeeno idil ee waa macalimiinta xun xun ee ha usheegan dadkooda wax ka dhiga sfiga
U codee:
0
0
waar waa luqad waalan luqad cid maxada ubaran waydeen lagu eedeeyo maaha, intay soomali ml iskugu keeneen ay yidhaahdeen swedish barta soomlidiina waxy kada dooodaan labad lahjadoood ee woqooyig aiyo koonfurta,
waa nsiib daro luqada hadii qofkii lahaa kugulaa hadli waayo walaanaad baranayn yana been laisku sheegin.
U codee:
0
1
anigu waxan imi dalkan 2010 /6/!4 waxaan 6 ku dhameeyay ifiga hada waxan wadaa gymnasienka markaa waa qofku waa sida uu iska dhigo mida kale dadka swedesh macal waa in la xidhiidhaa adigoon dad ka lahayn macal ayaa waxaa la noqdaa kompis si aad ugu training gareesid uun weeye
U codee:
0
0