Wasiirada deeqaha Sweden oo booqatay Muqdisho

By Jimcale
On September 18, 2012 At 16:52

Category : Siyaasada, Warka

Responses : Comments are off for this post

Wasiirada Sweden u qaabilsan deeqaha ( biståndsminister) Gunilla Carlsson ayaa booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, iyadoo la kulantahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ay Gunilla la yeelatay madaxweynaha cusub ayaa looga hadlay arimaha siyaasada iyo dib u dhiska dalka. Wasiirada ayaa sanadkii 2011 sidoo kale booqasho ku tagtay Muqdisho. Gunilla yaa sidoo kale kulan la yeelanaysa madaxweynihii hore Shariif Sh. Axmed.

Muhiimada kulanka ayaa lagu sheegay in kor loogu qaadayo taageerada Sweden iyo Midowga Yurub ay siinayaan dowlada cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay wafdiga ka socda dowladda Sweden ee soo baaqday Soomaaliya waxa uuna tilmaamay in 22-kii sano ee uu dalka burburka ka jiray ay Sweden garab taagneyd dalka Soomaaliya si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Comments are closed.



Comments

  1. Gaal Isagoo Hog*(GOD) kuu qodaa ayuu Hej ku dhahayaaye….

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

     — 
  2. (Khuduu xidarakum)! Digtoonoow oo lana jir kana jir. insha,allah mar dhow soomaaliya kaalmo bini aadmi uma baahna. EE ilaah aann tala saarano Dhamaan shacb iyo madaxweyneba! Insha,alaah.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

     — 
  3. madaxweyne cusub ayaa la doortey ee dad cusubi oo damiir lihi kuuma dhalan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

     — 
  4. kkkkkkkkkkkkk maba xumee sweden ma sheegtay ineey aqoonsantahay dowlada somaliyeed madaama aan ka baxnay meel gaarkii cml ilaahow dowlad islaam ah kitaabka quraankana ku maamusha dalkeena ka dhali makii la qaldamo waxaa loo noqdaa allaha aan qaldamin iyo kutaabka xaqaaaa ILLAAHOW XAQA U IILI NOONA SOO DAJI AMIIIIIIIIIIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

     — 

Somaliska.com