Soomaalidii ugu horeysay oo ka baxday dugsiga sare mudo 16 sano ah
By Jimcale
On June 13, 2011 At 07:42
Category : Warka, Waxbarashada / Utbildning
Responses : Comments are off for this post
Magaalada Fagersta ayaa waxaa ka dhacay xaflado ay
sameynayaan Soomaalida halkaan ku dhaqan ka dib markii 2 ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada ay noqdeen Soomaalidii ugu horeysay oo mudo 16 sano ah ka qalanjibasay dugsiga sare (Gymnasium).
Dhalinyada kala ah Cabdulaahi/Xamdi Asad ayaa keligood ka baxay dugsiga sare iyadoo xafladii qalanjibantooda ay Soomaalida magaalada ku nool isugu soo bexeen oo qaar ay calanka Soomaalia lulayeen.
Soomaalida ayaa inta badan labo wado uga baxa dugsiga sare, in ay iyagoo da’yar wadanka yimaadeen oo dugsiga tooska ah soomareen iyo dadka waaweyn oo soo mara wada SFI ilaa Komvux. Labadaan dhalinyarada ah ayaa qaaday wadada hore.
Waloow ay Soomaali badan ka baxdo dugsiyada sare marka laga hadlayo magaalooyinka waaweyn ayay ku yartahay magaalooyinka yaryar. Soomaalida ku nool magaalada Fagersta ayaa u badan kuwa wadanka ku cusub iyadoo arintaan ay u noqoneyso dhiiri galin. Hambalyo ayaan leenahay dhalinyarada guusha soo hoysay.
Comments are closed.

Waan u hanbalyaynaa Dhalinyartaa , ingase xitaa Sanadkaan Jaamadaca Magaalada ayaa dhalinyaro nooga baxday , Dugsiga sarena sanadkaan ma badnayn , sanadka soo socda ayaase ilaa 30 meeyo ka baxaysaa Dugsiyada Nagaalada .
U codee:
1
0
maan shallah han balyo hanbalyo dhalinyaro
U codee:
2
0
Hambalyo ilmo gaboose….dadaalka halkaa ka sii wada..ilaahayna ha idinla garab galo
U codee:
0
0
Congrats for this achievement. But are U kiding me, my brother graduated from this city for 16 ago.
U codee:
0
0