Soomaali diinta kiristaanka qaadatay oo lagu soo bandhigay Rinkeby

44

Xaafada Rinkeby ayaa shalay waxaa ka dhacday arin mucjiso ah ka dib markii Soomaali isku sheegeysa in ay yihiin masiixiyiin ay yimaadeen halkaa oo ay ka bilaabeen in ay dacwo u jeediyaan Soomaalida kale ee Muslimiinta ah.

Ragaan oo qaarkood ay idaacada Sverige la yeelatay wareysi ayaa sheegay in uu soo adeegsaday ilaahooda ay ku sheegeen in uu yahay Ciise Masiixi oo ay doonayaan in ay hordhigaan diinta ay qaateen walaalahooda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Ragaan ayaa meesha waxaa ku soo bandhigay kaniisada Rinkebykyrkan iyadoo la sheegay in goobta uu buuq badan ka dhacay oo Soomaalidu ay rumeysan waayeen waxa meesha ka dhacaya.

Mid ka mid ah dadka halkaa yimid oo magaciisa ku sheegay Cabdi Masiixi ayaa sheegay in ay ku socdeen “qorshe uu rabigooda ugu talagalay in ay Soomaalida hordhigaan diinta ay qaateen.”

Waa markii ugu horeysay ee Soomaali diinta ka baxday ay si bareer ah u horyimaadaan Soomaalida kale isla markaana ay is cadeeyaan. Arintaan ayaa xiisad abuurtay maadaama ay ragaan diinta ka bexeen isla markaana ay tahay bil Ramadaan oo barakeysan. Sababta arintaan loogu soo aadiyay bisha ramadaan ayaa la dhihi karaa mid daandaansi ah oo la doonayo in lagu kiciyo shucuurta Muslimiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here