Ereyga Maanta: får (helaya)

Ereyga får (ordet får)

Ereyga maanta: får (helaya), fick (helay), har fått (helay durbaba)

Ereyga får wuxuu yeeshaa macnayaal badan oo kala duwan, waxaana sidoo kale mar walba
badali kara ereyga raaca oo laga yaabo inuu macnihiisii maahane macne kale ku
sameeyo.

Macnayaasha uu yeelan karo ereyga får:

  1. 1.     Helid

Jag fick arbete inom vården – Waxaan shaqo kahelay qeybta xanaanada.

  1. 2.     Dhalid

jag och min fru fick ett barn – Aniga iyo naagtayda ilmo ayaa noo dhashay

  1. 3.     Ido, xayawaanka la dhaqdo

Far får får får? – Aabe iduhu ma iday dhalaan?

  1. 4.     Ficil caawiye

Vi får se – Waan arkaynaa bal.

Macnayaasha uu yeesho ereyga får oo kale:

Han fick sparken i fredags – Jimcihii ayaa shaqada laga cayriyay.
Jag fick nobben överallt – Meel walba waa la iga soo diiday.
Jag fick beskedet via telefon – Warka waxaa la iigu sheegay telefoon.
jag fick höra att hon var sjuk – Waxaan maqlay inay xanuunsanayd.
Min kompis Ali fick fnatt igår – Saaxiibkay Cali shalay ayuu waashay.
Kina fick bukt med malarian – Shiinuhu wuu ciribtiray malaariyadii.
Jag fick påökt i veckan – Usbuucan mushaarka waa lay kordhiyay.
Jag fick en häst till skänks – Waxaan hadiyad u helay faras.
Jag fick en släng av feber – Si daran ayaan u qandhaday.
Doktorn fick vatten på sin kvarn – Dhaqtarku wuxuu helay cadeyn wayn.
jag fick ditt bud – Waan helay farriintaadii.
Jag fick otur – Nasiib xumaa i heshay.
Jag fick nåt i ögat – ishaa wax iga galeen.
Jag fick inget svar – Wax jawaab ah ma helin.
Jag fick kalla in några experter – Waxaan iskugu yeeray dhowr khubaro ah.
Jag fick en inbjuden av Ali igår – Waxaa shalay i casuumay Cali.
Jag fick uppdraget att genomföra fredsavtalet – Waxaa la ii xilsaaray inaan dhaqangaliyo
heshiiskii nabadda.
Jag fick betala tillbaka 1000 kr – Waxaan dib u bixiyay 1000 karoon.
Tre personer fick kicken från Volvo – Sadex qof ayaa laga cayriyay Volvo.

 

 

 

2 Comments

  1. Fuaad
    November 29, 2011 #

    Du får röka på balkongen. waxaad sigaarka ku cabbi kartaa daaradda
    Du får röka, om du vill sigaar waad cabi kartaa hadaad doonto
    Hon får inte komma i kväll. Caawa ma aha (idin looma siin) inay timaado.

  2. Kulmie
    December 1, 2011 #

    Waxaan soo helay ereyga får stryk oo ah:
    garaacid (ul ku tumid)
    garaacid (banaani ka badin)

    markii lala isticmaalo får wuxuu noqonayaa garaacid
    tusaale:
    40 procent av männen får stryk av sina kvinnor
    40 boqolkii nimanka waxaa garaaca naagahooda.

    Milan fick stryk av Barcelona
    Milaan waxaa garaacay Barcelona

Leave a Reply