Casharka 54: Xaaladda participka joogta (Presens particip)

 Dhageyso >

Xaaladda participka joogta (Presens particip)

Afka iswiidhishka, Presens particip-ku wuxuu u ficildhacaa sida sifo oo kale (adjektiv). Presens particip waa noocficileed lagu dhiso iyadoo la raacinayo -ande ficillada intooda badan, iyo raacinta -ende ficillada asalkoodu uusan ku dhamaan -a. maadaama presens particip loo tixgaliyo sidii sifo oo kale, hadana lama badbadalo sida sifooyinka kale oo wuxuu ku nagaadaa sida uu yahay.

Han läser : Wuu aqrinayaa

Tycker du om att läsa : Ma jeceshahay inaad wax aqriso?

en strålande dag
två strålande dagar
den strålande dagen
de strålande dagarna

Habka aan qeexnayn (obestämdform): Ereyada en ku dhamaada way ku kala duwan yihiin marka loo eego shaxda isbadbaddalka ficilka. Ereyada ett ku dhamaada waxay la mid noqonayaan sifooyinka caadiga ah siday ku dhamaadaan, waxaana raacaya –t ama –tt. Halka qaabka jamacooda la raaciyo –a ama –e.

Habka qeexan (bestämdform): habka keliga iyo jamacda ee participka qeexan waxaa ay la mid noqonayaan habka jamaca ee aan qeexnayn: raaci –a ficillada intooda badan, ama –er ficillada ku dhamaada –ar.

No comments yet.

Leave a Reply