Qorshaha xarunta ganacsiga Soomaalida ee Göteborg

By Jimcale
On June 16, 2011 At 13:34

Category : Shaqada & Ganacsiga, Warka
Tags : ,

Responses : Comments are off for this post

Related Posts


Ka soo bilaabata sanadkii hore ayaa waxaa socday qorshe xarun ganacsi loogu furayo Soomaalida ku nool magaalada Göteborg, xaruntaan ayaa loola jeedaa in shaqo loogu abuuro Soomaalida oo ay halkaas ka sameystaan rugo ganacsi oo waxyabaha kala duwan lagu iibiyo.

Qorshaha ayaa ah in xiliga dayrta ee nagu soo aadan albaabada loo furo xarunta oo laga furi doono bartamaha magaalad Göteborg, iyadoo dadkii ka shaqeyn lahaa halkaas la siiyay tababar ganacsi oo xaga xisaabinta iyo canshuuraha ah. Maamulka magaalada Göteborg ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan hawshaan oo lacagta laga dalbanayo midowga Yurub.

Goobta ganacsiga ayaan Soomaali keliya u furnaandoonin iyadoo umadaha kalena ay heli doonaan fursad ay ganacsi kaga furtaan goobta. Mashruucaan ayaa la filayaa in uu fursado badan u furo Soomaalida ku nool Göteborg iyadoo xitaa mashruucaan kuwo la mid ah lagu fikarayo in laga sameeyo magaalooyinka kale.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida ayaa la dhihi karaa waa dad ku firfircoon ganacsi oo laga yaabo in tani ay wadada u furto. Aduunka kale sida maraykanka iyo Dubai ayay Soomaalidu ka sameeyeen ganacsiyo waaweyn balse Soomaalida ku nool Sweden ayaan horumarkaas ku talaabsan iyadoo loo eedeeyo arintaas xirxirnaanshaha wadanaan.

Comments are closed.



Comments

  1. maansha alaah mansha laah waa war farxaded wlahi wayo suuq daye dukan fican kama helno marka sidii suqii gaarisa looj inu noqdankarajayn hada ayayna swedan nabaranaysa wxay awlano haysten dad an shaqaysan balse suuqani wxan rajayn inu noqdo mid ufura albabada sumcad fiican umada soomaliyeed ee wadankan aan ka muqan wxan rajaynaya guul dadka fursadas helana hadayicinina ayanleyahay dubay kasoqada oo noocamira magalad maansha alaah wa inn kamaranaa boostada isoodhig plz saas banleyahay naga haqabtira oo uk iyo usa wankadanbayna wixii aykabaxen waqtihore ayan nasogara marka mabruuk ayan leyahay waagaa cusub oo soo iftimaya somalidan kuwii ka fa idaysta alahaka dhigo ala ubarakeyo insha alh asc

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

     — 
  2. ascww, waa arin guul ah ey gaareen somalida sweden alxamdulillah, waxaan baraarujin lahaa walaalaha soomaaliyeed in wadankaan sweden uu yahay wadankeeni labaad waa in aan ka faaiideysanaa jaaniska nooga banaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

     — 

Somaliska.com