Ninkii tareenka looga dajiyay salaada dartiis oo la xukmiyay in aan la cunsuriyayn
By
On January 25, 2012 At 08:25
Category : Nolosha, Warka
Tags : sj
Responses : Comments are off for this post
Nin Muslim ah oo hada ka hor aan wax ka qornay kaasoo tareenka SJ qasab looga
dajiyay ka dib markii isaga oo salaada tukanaya laga dalbaday in uu soo bandhigo tikitkiisa ayaa la xukmiyay in aan wax cusnuriyad ah loo geysan.
Xeer ilaaliyaha sinaanshaha (Diskrimineringsombudsmannen, DO) ayaa go’aamiyay in aan la cadeyn karin in ninkaan cunsuriyad lagu sameeyay isla markaana kiiskiisa la xiray.
Sheekada ninkaan ayaa ka dambeysay ka dib markii uu soo raacay tareen xilli habeen ah kaasoo markii dambe goob tareenka ka mid ah salaad ku xirtay. Intii uu salaaada ku jiray ayaa waxaa u yimid gabadhii tikidhada jeekimeysay iyadoo waydiisay in uu tikitkiisa soo bandhigo. Ninkaan ayaan jawaab ka bixin hadalka ka gabadha maadaama uu salaad ku jiray. Sida uu hadalka u dhigay saddex jeer ayay dhabarka ka riixday isagoo ku sigtay in uu dhaco.
Markii uu salaada ka baxay ayuu sheegay in uu raadiyay gabadhii si uu tikitkiisa u tuso balse markii uu tikitka tusay ayay diiday in ay ka aqbasho iyadoo ku amartay in uu tareenka isaga deggo. Arintaas ayuu ka dhaga adeygay isagoo markii dambe boolis ay qasab tareenka uga dajiyeen.
Ka dib dhacdada ayuu ninkaan wacay xafiiska SJ oo markiiba raali galin ka bixiyay dhacdada isla markaana go’aamiyay in ay u soo diraan 1000kr balse arintaas ayuu diiday oo wuxuu dacwo u gudbiyay Xeer ilaaliyaha sinaanshaha (DO). SJ ayaa sidoo kale ugu hanjabay ninkaan in ay ka mamnuucayaan tareenka muddo 1 sano.

Mashalah. Ilaahay hakaa aqbalo salaadaada iyo ducadeedaba. Galada inlatuso wanaga iyo alle bariga inay kahoreyan waxwalba. Diintena alaha koryelo.
Fikrad lala dhacay
5
0
maasha allaah waa ilaahey mahadiis ilaahey waxaan kabaryayaa wixi diinta kusaabsan ilaahey dhib nagalakulmiyo gaaladani ilaahey hanoosoojibiyo waana mahadsantihiin kuli muslim jimcaale adigana waaku salaamay bro sida aad macluumaadka noogusoogudbisid.tack allihopa
U codee:
0
0
Maasah allah hakaa aqbalo salaada
U codee:
1
0
maashaa allaah ilaahay ha xafido salaadiisana ha ka aqbalo imaankiisana ha u siyaadiyo aamiin walaal jimcaale waad kumahadsanthay ilaahey ajar hakaasiiyo.
U codee:
0
0
asc waxaad modaa walala yaal inanan waxa badan naga qaladan yihiin waayo isalmaaku sahaci ayuu usameyay dukashada salaada lagu dukado meelaan ahayan dhulka , sida tarenada diyaaradaha, , waxaa sa muhima ina taasi layaqaano, waxasooraaco baabuurka hadii aadan adiga lahayan ooaadan xukun kiisa lahayan,, sida ku cada kitaabada qaar ooaya culimada qaar aya qoreen, loona bahan yahaya ina taasi uu barato qofkasatao oo muslin ah hadiisa salaada meel walbo aya kugu qabto aad isaga dukadato waa dhibatadeeda wxaan kugu dhacaya waxayaab aadan ogayan, waa mihiin in waxalabarto,ama culimasa lawediiyo sideen waxa welaaa,,,, laakin waxaa layaab in somalida kuyaratahay ina waxa baratay laakin waa wada cibaado badan yihiin ilahaya haka aqablo cibadadoda ,,amiinnn ,, lakin waxaan leeyahaya wallakaas sida uu udukadaya ayaan jecelaan lahay inana waxa ka ogaado kadibana jawaab waafi ah aayn siin lahay iyo daliiladoodaa,,,, aqwaanii ,, ilahaya naguma dhibin cibadada ,maraka yanana anaga dhibka dhigin,,,,wallaka dhibka gaaray aaajar alaha ugu bedelo lakin qoraaga arinkaan ha faah fahiyo waa mid dada badan u baahan yihiin oo sooamaliya waayo waxa nagu badan safaraka yurub dada ahlu diinana waanahay wabilaahi towfiiqqq
U codee:
1
1
Salaadu Marna ka Tegid malahan , Tareen Saarnoow , Diyaarad Pilot ka Noqo , Markab Saarnoow , Salaadu waa Tukasho !!
Dadka Qaar ayaa qiiö u sameeya oo xitaa dhaha , salaada habeenkii isku Jamci markaa Xaafada Timaado !!
Mujaahidka dagaalka ku jira , ayaa Lagu waajibiyay Salaada , maxaa ka sheegee qof kale .’
Adigaa iskaaga u raacay Tareenka , Salaafu waa Tukasho . Qofkii salaada Dayacana Allaah Ayaa Aduun iyo Aakhiro Kugu Dayacaa .
U codee:
1
0
asc
waa hubaal inay salaadu aya tahaya in ladukado ooaan laga degin lakin sidee loo tukanayaa maka aad ka hadalayaso xalada aad soo sheegtay tasaa loo bahana yahay in la ogaado,,,,,,
U codee:
1
0
asc walaalkeen waxaa laga yaaba inuu musaafir ahaa markaa way uu banaantahay inuu jamciyo salaadda. Maddaamo uu habeen safrayay dabcan cishaa iyo maqrib ayuu dib uu dhigay kaddibna wada tukaday. Waana rukhsada kaliya ay siisay diintu qofka musaafirka ah xaggaa salaadda. Wixii intaa ka soo haray hadduu ku kici lahaa waxay noqon lahayd inuu salaaddii dayacay.
U codee:
0
0
mansha Allah ninkaas muslimkaa waxaan u rajayn in sida uu ugu dhagan yahy diintiisa una ilaalinayo salaada Allah aduunkana xifdiyo aakhirana Janatulfirdows geeyo qof walba oo Alle tala saarta diintiisana aan la gaban guusha isagaa leh ugu danbynta
U codee:
1
0
asc wr wbr marka hore waan idin wada salamaya walalayal .marka xigta waxaan u mahad celinayaa axmed barafeey oo si fiican inoogu faah faah shay waana mahadsan tahay .
hadan mowluca aan toos u galo horta diinta islamka ma ahan mid cusran ah waa yusran mida xigta alla ayaa ino sheegay markan safarka nahay inaan saladaha aan isku geyn karno mid tagan ayaad u rareysa mid ku xig ama mid tagan ayaad u keneysa tan kale . diinta ma ahan in la iska qiyaaso imamul busuri raximahula low lal isnaad laqala man sha,a maa shaa,a marka in diintada aad dadka ku dhibto ma han . aan diinta barano tariina salaada faralka ku ansixi meyso aan runta la isku sheego salad jeceyna ma ahan waa salaad ku dhel inaan anaga diinta saan doono ka dhigno ma ahan ciiqteda ayey le dahay marka aan macrufka is farno walalyaal
wadna mahadsan tihiin
U codee:
0
0