Malmö: boostada oo cabsi darteed uga joogsatay xaafada Seved
By
On January 14, 2012 At 09:18
Category : Nolosha, Warka
Tags : Malmö, posten, Seved
Responses : Comments are off for this post
Xaafada Seved ee ka tirsan magaalada Malmö kana mid ah goobaha ay Soomaalidu u
badantahay ayaa waxaa cabsi darteed uga joogsaday shaqaalaha boostada iyadoo hada ka dib ay dhalinyaro ka mid ah kuwa xaafada warqadaha qeybin doonaan.
Shirkada Posten ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ay cabsi weyn la soo daristay ka dib markii dhow jeer waxyeelo la gaarsiiyay. Shaqaalaha ayaa xitaa lagu qasbay in ay qaataan aalad digniin bixinaysa markii la soo weeraro.
Kamuunka Malmö iyo Shirkada Posten ayaa hada heshiis ku gaaray in labo dhalinyaro oo ka tirsan dadka deegaanka laga shaqaalaysiiyo boostada oo iyagu ay dadka u geeyaan warqadaha. Arintaan ayaa hada laga dhigayaa mashruuc shaqaaleyn balse sababta ka dambeysa waa dhibaatada dambiilenimo ee ay ku kacaan qaar ka mid ah soo galootiga halkaa ku nool.
Xaafada Seved oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 4500 ayay inta badan yihiin dad ajanabi ah isla markaana la sheegay in heerka shaqada iyo waxbarashada uu aad u hooseeyo.
Booliska ayaa sanadkii hore bilaabay in uu kaamirooyin ku xiro guud ahaan wadooyinka xaafada Seved si looga hortago dambiilayaasha nolosha ku kadeeday dadka xaafada oo qaarkood ay sheegeen in cabsi darteed aysan guryaha ka bixin habeenkii.

walaal mee sheekadii xiisaha laheed waad ka gabiseen wiigan maxaa dhacay
U codee:
1
1
anigaa xitaa san usugayay waaba dalay awaaye shekadii maxa kudhacaynaa plz nosoo dadajiya shekaada
U codee:
1
1
waa arin aan ku fiicnayn dadkii wadanka laguu soo dhaweeyay
U codee:
0
1
arin fiican aye sameeyen dhalinyarada xaafada SVED e MALMÖ wa in ay ku daysadaan dhalinyarada kale ee dagan sweden ee so galootiga si ay shaqa u helaan lol
U codee:
1
0
dhamaan wad salaaman tihin bahada somaliska salaan kadib waxaan marka hore umahaad naqayaay cidii ku bix say wakhtiga iyo juhudiga dheeradka ha inta kadib waxaan kabilabaya magacay ga waxaa ladhaa mukhtaar waxaan ku noolahay gobal ka jämtland garahaan hammstrand waxaan ubahaana hay xaaskayga iyo caruutayda in laii kiino haday sorta gatahay marna waxaan leeyahay walagama maraman
U codee:
1
0
ninkan oo ladhaho mukhtaar meesha ma wxa uu umaleeya magarationverket see kanoqotay dt här somalska sajt
U codee:
0
0
waxaa sax ah in malmö ay ku badan yihiin dhibka, dilka, qaadka iwm. laakiin ma maqal xaafad la dhaho SVED oo MALMÖ ka tirsan waxaan daganahay 5 sano.
marka saxa waxay ila tahay inaad ka watadaan sofie lund oo ah meelaha waalan. oo aan ka yareysan Rosengård.
U codee:
0
0