Magaaladda Malmö oo noqotay goobta ugu amaanka xun Sweden
Magaalada Malmö oo ah magaalada sadexaad ee ugu weyn Sweden ayaa noqotay goobta ugu amaanka xun
marka lala barbar dhigo magaalooyinka Stockholm iyo Göteborg.
Malmö oo sanadihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo fara badan ayaa noqotay goob caan ku ah qalalaasaha iyo amaan darida. Sababaha ka dambeeya amaan xumida Malmö ayaa hayda ka hortaga dambiyada Brottsförebyggande rådet (Brå) waxay ku tilmaamantay xaalada nolosha ee dhalinyarada soo galootiga ah oo liidata iyo in ay fududahay in hubka uu gacanta u galo dadweynaha.
Magaalada Malmö ayaa sidoo kale waxaa aad ugu badan ururada burcada nidaamsan oo ku kaca dambiyo kala duwan oo isugu jira dhac iyo iibinta daroogada. Xaalada amaanka Malmö ayaa waxaa sabab u ah maadaama ay ku taalo xuduuda, oo ay daris la tahay caasimada Denmark.
Dadka ku nool Malmö ayaa sadex meelood hal meel ay yihiin soo galooti. kuwaasoo isugu ururay dhowr xaafadooda qaasatan xaafada caanka ah ee Rosengård. Arintaan ayaa keentay in dambiyadu ay ku bataan xaafadaha soo galootiga. Waa sanadkii labaad oo Malmö ay noqoto magaalada ugu amaanka liidata Sweden.

waxii dhacay nooma aadan sheegin laakiin
U codee:
1
0
yaa alaah somali ka badbaadi iyo intii islaam ah
U codee:
2
0
Naguma cusba warkaan ee bal wax kale halaraadiyo waamahad santihiin dhamaantin
U codee:
1
0
See camal waaba meeshaan u socde ilaahow xabiibkayga iga badbaadi iyo inti islaama
U codee:
1
1
Aqli xumadood maalin kasta soo gaalotiga ku hayan ..Dalka ayaga leh ma ajaanib ba leh may dadka ka saaraan xaafada . mida kale swedan haddanaysan shirkadaha guryaha kirayaa aysan ka fiirsan waxay samaynayan walle wax badan waa la maqali doona .. waxa la raba xaafad kasta in laga kireyo in yar oo ajnabi oo tirsan si aayasan ilmaha iyo dhalinyada la cusuriyadeynayo aaysan isku urursan oo aay bulashada wadanka leh u dhax galaan ..markaas dadka meel kasta oo aay dagan waxay la qabsanayn dadka wadanka ku nool .. laakiin hadii hal meel la dajiyo dhib lee so badaanaya
U codee:
1
0
wuxuu ninkaas garba duubka loo xiray sameeyey kuma cada in la iska qabtayna waa macquul waayo wax fal ah oo uu sameeyey qoraalkaaan kuma cade marka danbi maleh ayaan u badinayaa ee waa cunsiriyad ama soo sheega wuxuu sameeyey
U codee:
0
0
Hello! ecfefdd interesting ecfefdd site! I’m really like it! Very, very ecfefdd good!
U codee:
0
0
Hello! fdgdkkd interesting fdgdkkd site! I’m really like it! Very, very fdgdkkd good!
U codee:
0
0
Very nice site!
U codee:
0
0