Lacagta tikitka iyo dadka sharciga la siiyay

Iyadoo hada dad badan loo ogolaaday caruurtooda ayaa waxaa walwal ka haystaa sidii ay u bixin lahaayeen qarashkii tikidhada, maadaama Layn qayrta cas (Röda korset) ay sheegtay in lacagtii sanadkaan loogu tala galay ay dhamaatay.

Dadka loo aqoonsaday qaxootiga (Waa dadka la siiyay Geneva) iyagu waxay lacagta tikitka ka dalban karaan Laanta Socdaalka. Kuma jiraan dadka leh baasaboorka Swedishka ah ama haddii adiga iyo reerkaaga aad iska bixin kartaan lacagta tikitka. Lacagt tikitka waxaa laga bixinayaa qofka caruurtiisa u imaanayso ama qofka da’da yar ee waalidkiis loo keenayo.

Haddii aad ku jirto dadka qaxootiga Geneva waxaad buuxinaysaa foomka ku jira bogga Laanta Socdaalka ee aad halkaan kala bixi karto. ka dibna waxaad u diraysaa adreeskaan Migrationsverket, 601 70 Norrköping. Markaad codsiga dirto waxaa laga yaabaa in ay qaadato 1 isbuuc inta aad ogolaasho ka helayso. Laanta Socdaalka ayaa tikitka reerkaaga u soo goynaysa oo kula socodsiin doona xiliga ay imaanayaan.

Dhinaca kale, dadka aan ku jirin Geneva ayaa horay waxaa taageero u siin jirtay Röda Korset balse hada waxay sheegeen in lacagtii ka dhamaatay. Waxaa la filayaa in ay dib u bilaabaan bixinta lacagta ka dib marka uu sanadka dhamaado. Röda Korset ayaa qofka ka bixisa qeyb ka maid ah lacagta tikitka balse dhamaan ma bixiso.

 

21 comments

  1. Mohamed

    salaamu calaykum
    walaal Jimcaale waxaan haystaa sharciga Geneva bishii july ayaan caruurteyda dalbadey DNA waan wada marney markaan migrationsverket la xiriirey waxay ii sheegeen in dhakhso la iigu soo jawaabi doono marka ma sii dalban karaa lacagta tikit caruurta? si aan waqti iiga dhumin.

    waa ku mahadsan tahay jawaabtaada

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

    1. Jimcale

      Maya, marka caruurtaada la siiyo deganaanshaha iyo baasaboorka ayaad dalban kartaa.

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

    2. hodan

      ASC walaalo su aal ayaan kuwy diinanyaa inkastoo anan halkan lagaga hadleyn balse mahaa kawr qbtaan xaasas kii isqabay ee aab awlaada isu lahayn maxay ku ilawday lanta socdaalu??

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Mahdi

    Jimcaaale walal waxan kuwaydiin. Aniga waxa aan ahay mid waalidkiis keeneen marki hore, laakinse ma heesto sharciga wayn. anigu xagee raacsanahay. Geneva mise dadka baasaboorka wayn leh. calashaan ma la iga bixin mise Maya. reer baa itoobiya ii jooga hadda…Svara gärna på min fråga, tack!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  3. Bashiir

    Asc, Jimcaale sxb adiga oo raali iga ah qoraalkan ayaan ka helay webkan oo aan ka akhristay marka sxb warkaasi wax maka haysaa, waxa aana arintaan kuu weydiinaya waxaan ku xirnahay webkaan Somaliska.com oo aan ku qanacsanaahy qoraaladiisa, Marka fadlan qoraalka sare riix meesha ay ku qoran tahay HALKAN RIIX. Fadlan haddii aadan mashquul ahayn iiga soo jawaab hadad wax ka ogtahay. wad mahadsan tahay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. fatima

    basheer walaal maxaa ku qoran

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. fatima

    arimihii singalka maxaa laga hayaa war walaalayaal?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. abdi

    walaal anigu waxaan ahay will da,yar ah marka reerkayga waan wada marnay DNA GII MAHAYSTO GENEV MALAYSOO QAADI KARA REERKA WAAN AKHRIYEY QORAALKA XOGA YARA SHAKI AYAA IGA GALAY……… AAD BAAD U MAHADSANTAHAY!!!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. NASRA

    asc dhamaan waxaad moodaa in dadka qaar ay wadiinayaan su aalo horay loogu sheegay qaarna ayba la socon siday wax u dhacayaan waxa weye meeshan dadka haysta sharciga qoxootiga waa lo keenayaa ha ahaado xas ama waalid uu u dacwoonayo waxuu dhalay mida labaa waxa bixinaya dadka qoxootigaa tigidhadooda lanta socdaalka sweden ee xariuntoodu tahay norrköping mida kale dad aan wax isku dhalin iyo korosba waa la diiday maha waxa laga yaabaa dowlada cusub ee qabsan donto sanadka 2015 ineey furto kuwaasne oo somaalidu aad uga taajiraan kkkkkkkkkkkkk allaahu yaclam

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  8. Najma

    Nasra” walaal waxna dadka wad usheegeysaa sina waad u caayaysaa? Dadbaa dadkoodii kamaqanyahay markaas ayaad sidii jeesjees ulahadlaysaa! Haday dad tuugo ah, ama muqalasyo ah ay jiraan. Ma,aha in aad dadka dhan kawada dhigto, ee walal cay mabanaana ee sida isudhaan.Ilaahayna waddankeenii nabad haynooga dhigo inta kala maqana ilaahay haisukeeno. “Gadaal sami,dii Nabbi Yuusuf ilaahay Soomali hasiiyo” Meelkastooy joogaan. Aamiin………

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. NASRA

    kkkkkkkkkkkkkkk somalidu waxay iska jecelshahay inay is xagxagtaa naa wax ma kuu sheegaa anu waxan ka hadalayaa wax jira qofkii dad ka maqan yahayna allaha u keeno laakiin ma beenbaa in lakala gato xas sheeeeko ma angii is ogayn ee somalida ila hayanbaa isku dayeeyna naa iga dhamoow aniga ha igu camirane

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  10. fatima

    NASRA ADIGA MEEL DHEXE BAAD HEEBABEESAA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. lkjhgfpu

    waa salaamamntihiin dhamaan , Nasro wallee ishaa ka riday datkaan wax runta u sheego ey weysanyihiin waaba yaabanahay teeda kale Jimcaale waxey moodaan inuu ka shaqeeyo Migrationsverket maba oga aduun warba maka heeyaan jimcaale asaga goaan ma gaaro meesha waxoo ka soo aqriyo ayuu idin soo qoraa ,, hadii somalida luqada la baran lahaa waxyaalo badan ayuu qofka ogaan lahaa wadanka sida ukala socdao migrationka sida wax u socdaan waad ogaan laheedeen laakin waa kaxumahay jahliga dhibaato ayuu naguhaayaa ,,,,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. fatima

    ikjhg adi hada maxaad noo kordhisay aqoonyahankoow

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Aden

    lkn waxaan filayaa xitaa qofku haduu Geneva haysto waxaa jira xili loogu talagalay oo ah 1 sano.Hal sano ka badan hadii aad Geneva haysato way kuu diidayaan in ay kaa caawiyaan tikitka migrationksverket ku.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. farax axmed

    dhamaan waaa idinsalamay”
    salaan bacda salan. soomaaliyey meesha ma waxaad moodaysaan inahay tahay xafiiskii istiqbaalka ((reception offece) waxaan idin leeyahay meelaha macluumaadka laga helo u doonta jimcaalena war daalay oo aanu 10 cisho ka hor ka akhrinay ayuu meesha soo galiyaa had iyo jeer. fadlan adna jimcaalow dadka meesha ha ku waalin eee ama warka la soco oo markuu soo baxo soo qor ama waalida dadka ka daaa raali iga ahaada hadii aad karahsateen –blus jimcaale..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Aden

    Bro horta magacaaga si sax ah u qor.Farax Axmed.waxaan ka wadaa magacaagii ayaad small litter ku qoraysaa waxaadna leedahay waxaan daalacdaa warbaahin war seexo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  16. guu guule

    dadka meesha wax ku qorayoow aniga waxaa iga maqaan saxiibtay ma leykeenayaa hadaa dalbado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Raaqia

    asc micaale wax wara maka haysa inay hada röda korsedku dadka an haysan geneva inay ka cawinayan tigidhada iyo inkale mise waa marka sanadku dhamado uun

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. Raaqia

    sorry jimcaale

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. Abdi

    Abdi

    sxb jimcaale walaal waxaan ku salaamayaa marka hore marka xiga walaal waad ku mahadsan tahay sida naxariista leh ee aad akhbaaraha noogu soo gudbiso walaal hadaan ku weydiiyo su.aal adoo mahadsan walaal waxaa la ii ogolaadey ilmihii laakiin waxaan rabaa in aad ii sheegto qaabka tikidka ay ku imaanayaan?
    thanks

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga wararka Soomaalida Sweden. Wararka Nolosha Sweden.