Gabadh Muslim ah oo lagu qasbay in ay hilib doofaar cunto
By
On December 12, 2011 At 15:11
Category : Shaqada & Ganacsiga, Warka
Responses : Comments are off for this post
Gabadh ku nool kamuunka Finspång ee gobolka Östergötland ayaa sheegtay in lagu qasbay in ay dhadhamiso
hilib doofaar ka dib markii ay ku biirtay koorso lagu baranayay cunto karinta. Gabadhaan ayaa sheegtay in lagu amray in ay hilibka dhadhamiso ka dibna iska tufto balse arintaas ayay ka biyo diiday taasoo keentay in ay sii wadi wayso koorsada.
Gabadhaan oo koorsada ay u dirtay Laanta Shaqaaleynta (Arbetsförmedlingen) ayaa dacwo u gudbisay xeer ilaaliha ka hortaga cunsuriyada (Diskrimineringsombudsmannen – DO) iyagoo xukmiyay in gabadhaan la cunsuriyeeyay. DO ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in gabadhaan arinteeda ay maxkamad la tagaan balse ay waqti siinayaan Laanta Shaqaalaha in ay soo bandhigaan dhinacooda.
Gabadha ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay go’aanta DO, iyadoo dhowr bilood ka dib markii ay joojisay koorsada shaqo ka heshay maqaaxi. DO ayaa la filayaa in ay xukunto in gabadhaan la siiyo lacag magdhow ah.

Arin wanaagsan waaye, illahayna qofkii xuduudiisa dowra meelna uuna filayn ayuu ka irsaaqaa. waxaa ka farxay gabadhu goaanka wanaagsan ee ay qadatay aydoo dhawraysa xuduuda alle
Fikrad lala dhacay
9
0
asc gaaladaan raali kama ahan marnaba diinteena wanaagsan qosolka beenta ah oo aan niyaadda kajirin ayey nagu qancinayaan allana waanoo sheegay gabadhaana waa islaam qaalis ah islaamka kalana sidaa ayaa laga doonayaa ee allaha natusiyo waxa wanaageynu kujiro qaatumadeynana kheyr allaha kadhigo
U codee:
2
0
Aduunkan wa imtixaan socda oo imaankeena bu ilaahy eegaya, inantaas ilaahy khayr ha siiyo.Gaaladan wax kasta way kugu eegayan iyaga oo yaqaan diinten, ilaahy baba sheegay inay waligood ina aqbalyen ila aynu ka mid noqono.Ilaahyo imaanka ha naga qaadin oo dadkan sharkooga naga qabo.
U codee:
1
0