Dowlada oo dooneysa in soo galootiga shaqeeya la siiyo lacag dheeri ah
By
On September 8, 2011 At 15:23
Category : Shaqada & Ganacsiga, Warka
Tags : Erik Ullenhag
Responses : Comments are off for this post
Dowlada Sweden ayaa soo bandhigtay qorshe ay ku doonayaan in soo galootiga ku jira
barnaamijka Arbetsförmedlingen ee 2 sano ah in la siiyo lacagta taageerada ah ee ay hada qaataan xitaa haddii ay shaqo helaan.
Nidaamka hada ayaa ah in soo galootiga marka ay shaqo helaan laga joojiyo taageerada kale balse dowlada ayaa hada dooneysa in ay taas wax ka badalaan iyagoo sheegay in tani ay ku dhiiri galineyso in soo galootigu ay shaqo raadsadaan waqti hore.
Dowlada ayaa arintaan shuruud uga dhigeysa in qofku uu sii wato waxbarashada SFIga iyo hawlaha kale ee laga doonayo sida in uu xaadiro shirkadaha hogaamiya dadka iyo in uu ka qeyb qaato macluumaadka bulshada. Balse faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan arintaan dowladu ma soo bandhigin sida waqtiga la doonayo in la dhaqan galiyo.
“Waa in aan dirnaa fariin maalinta ugu horeysa ee qofku Sweden yimaado in ay faaiido leedahay in la shaqeysto” ayuu yiri wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag.
Arintaan ayaa ah mid soo jiidasho leh haddii la dhaqan galiyo iyadoo u sahleysa in dadka cusub ay qaataan lacagta hadda la siiyo oo ay u sii dheertahay mushaarkooda haddii ay shaqo helaan.

asc dhamaan salaan kadib waan ku faraxsanahy arintaan ka soo yeeraty dowlada waana wax fiican in qofku shqeesto oo noloshiida anfaco
so galootigana waa mid aad farxyaan
waxey ila tahay hadii ee dhaboodo in ee dad badan ka faa iideesan doonaan
U codee:
1
0
a.s.c. Waa arrin farxad leh hadii ay ka dhabeeyaan waana mid dad badan anfici doonta
waase hadii dhaqangasho arintaas waana mid aan kuwada farxi doono hadii aanahay
soo galootiga wadanka ku nool waxaana anigu ku talin lahaa hadii ay dhabnoto aan kawada
faa iideysano aana iskeen u shaqeysano wabillaahi towfiiq.
U codee:
0
0
bro jimcale asc waa arin fiican runtii waadna ku mahadsantahay arintaas iyo soqabashada warkaan
lkn waxaan rabi lahaan in aad soo ogaato xiliga arintaan ay dhaqan galayso iyo shuruudaha kuxiran iyo wixii war ah ee kale oo kusaabsan arintaad
asc
U codee:
3
0
ASC waa arin lagu farxo hadii la hirgeliyo Somalida waa dad shaqo doon ah waa hadii eey helaan taageerad dowlada ileen Somalida wadankan degan mahan dad taageero Jaaliyadahoodana wax ma qabtaan sida Jaaliyadaha umadaha kale camal maxaa yeeley Jaaliyadaha Somalida si dadban ayeey Qabiil ahaan u furan yihiin marka Dowlada Sweden aad bey ugu mahad celineynaa hadii Somalida loo fududeeyo iney soo galaan Suuqa shaqada.
U codee:
3
0
shaqaa sharaf leh, laakiin aay soomaali maryooleey oo markii ay dalka joogaan ku sheekeystaan, aryaa adigoo mahaaga is jiifa aa darbi gacanta ka dhiibeeydaa aasaa beesoo kuu soo daadee, marka beesadaas fadhiga kugu soo gashay iyo tan aad ku jilmo muruxdey xabo uma dhaxeeyaan, fakirkaas marka sax maaha, hadii aad shaqeysatid horta ku dadaal wax xalaal ah, ka fogoow kasab xaaraana, waa mid tan kale hadii aad shaqeysid waxaad noqonee nin qiimo leh adigana qiimo ayaad yeelanaysaa, ilaahoow beesada shaqada ay mida cayrtu badnaato laakiin qof xor ah ayaad noqoneysaa, marka soomaali jiif iyo sheeko jecel fursadaan halaga faaideeysto, ama darbi gacanta ka dhiibta aaqirkiina gacanta hala idinka goosto kkkkkk
U codee:
0
0