Magaaladda Malmö oo noqotay goobta ugu amaanka xun Sweden

9

Magaalada Malmö oo ah magaalada sadexaad ee ugu weyn Sweden ayaa noqotay goobta ugu amaanka xun marka lala barbar dhigo magaalooyinka Stockholm iyo Göteborg.

Malmö oo sanadihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo fara badan ayaa noqotay goob caan ku ah qalalaasaha iyo amaan darida. Sababaha ka dambeeya amaan xumida Malmö ayaa hayda ka hortaga dambiyada Brottsförebyggande rådet (Brå) waxay ku tilmaamantay xaalada nolosha ee dhalinyarada soo galootiga ah oo liidata iyo in ay fududahay in hubka uu gacanta u galo dadweynaha.

Magaalada Malmö ayaa sidoo kale waxaa aad ugu badan ururada burcada nidaamsan oo ku kaca dambiyo kala duwan oo isugu jira dhac iyo iibinta daroogada. Xaalada amaanka Malmö ayaa waxaa sabab u ah maadaama ay ku taalo xuduuda, oo ay daris la tahay caasimada Denmark.

Dadka ku nool Malmö ayaa sadex meelood hal meel ay yihiin soo galooti. kuwaasoo isugu ururay dhowr xaafadooda qaasatan xaafada caanka ah ee Rosengård. Arintaan ayaa keentay in dambiyadu ay ku bataan xaafadaha soo galootiga. Waa sanadkii labaad oo Malmö ay noqoto magaalada ugu amaanka liidata Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here