Malmö: boostada oo cabsi darteed uga joogsatay xaafada Seved

7

Xaafada Seved ee ka tirsan magaalada Malmö kana mid ah goobaha ay Soomaalidu u badantahay ayaa waxaa cabsi darteed uga joogsaday shaqaalaha boostada iyadoo hada ka dib ay dhalinyaro ka mid ah kuwa xaafada warqadaha qeybin doonaan.

Shirkada Posten ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ay cabsi weyn la soo daristay ka dib markii dhow jeer waxyeelo la gaarsiiyay. Shaqaalaha ayaa xitaa lagu qasbay in ay qaataan aalad digniin bixinaysa markii la soo weeraro.

Kamuunka Malmö iyo Shirkada Posten ayaa hada heshiis ku gaaray in labo dhalinyaro oo ka tirsan dadka deegaanka laga shaqaalaysiiyo boostada oo iyagu ay dadka u geeyaan warqadaha. Arintaan ayaa hada laga dhigayaa mashruuc shaqaaleyn balse sababta ka dambeysa waa dhibaatada dambiilenimo ee ay ku kacaan qaar ka mid ah soo galootiga halkaa ku nool.

Xaafada Seved oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 4500 ayay inta badan yihiin dad ajanabi ah isla markaana la sheegay in heerka shaqada iyo waxbarashada uu aad u hooseeyo.

Booliska ayaa sanadkii hore bilaabay in  uu kaamirooyin ku xiro guud ahaan wadooyinka xaafada Seved si looga hortago dambiilayaasha nolosha ku kadeeday dadka xaafada oo qaarkood ay sheegeen in cabsi darteed aysan guryaha ka bixin habeenkii.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here