Home Wararka Caalamka Xukun Xabsi lagu Riday Waalid u guuriyay Gabadhooda

Xukun Xabsi lagu Riday Waalid u guuriyay Gabadhooda

0

Xukun Xabsi Hal sano ayaa lagu riday Labo Waalid oo Gabadhooda u guuriyay, Guurkan oo ka dhacay Dalka Dibadiisa sida lagu soo bandhigay Maxkamaza gaartay Xukunkan oo ka dhacay Caasimada Stockholm.

Gabadhan oo 16 sano jir ah ayaa loo kexeeyay Dalka Dibadiisa iyadoo ladib loo guuriyay hase yeeshe Gabadha ayaa lasoo Xiriirtay Hay’ada Adeega Bulshada ee socialtjänst iyo Booliska kuwaasi oo iska kaashaday Sidii dib loogu soo Celin lahaa Dalka.

Labada Waalid ayaa lagu eedeeyay in Gabadha ay ka qaadeen Taleefanka iyo Basaboorka kuna Qasbeen guur Qasab ah kaasi oo Mamnuuc ka ah Dalka Sweden.

Sweden ayaa dhoor jeer ku Celisay in uu Mamnuucay guurka Dhalinyarada ka hooseysa 18 sano jirka iyadoo waalidka lagu helo danbigaasi ay la kulmi karaan Xabsi.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here