Home News in English Xukun lagu Riday Labo Nin oo Lacag 168 Milyan ka dhoofinayay Arland

Xukun lagu Riday Labo Nin oo Lacag 168 Milyan ka dhoofinayay Arland

0

Maxkamada Stokcholm ayaa ugu danbeyn Xukun ku riday labo nin oo doonayay inay lacag dhan 168 milyan ka dhoofiyaan Garoonka diyaaradaha Arland.

Labada Nin ayaa lagu xukumay 5 -sano oo Xabsi ah iyo Bar iyadoo loo cogsaday xukunkooda inay doonayeen inay lacag intaasi la’eg ay ka dhoofiyaan garoonka Arland.

Maxkamada ayaa sidoo kale laga cadeeyay inay labada nin ee xukunka lagu riday ay horay Garoonka uga bixiyeen lacago lamid ah lacagta hada lagu qabtay,

Labada eedeysane ayaa dhankooda ka hadlay Maxkamada waxana ay sheegeen in arintaasi aysan ka danbeenin iyaga waxayna dafireen guud ahaan dambiga lagu soo oogay.

Bishii May ayay aheyd markii Garoonka diyaaradaha Arland lagu qabtay labada nin oo boorsooyin kasoo buuxiyay lacagtaasi iyadoo ay ka shakiyeen shaqaalaha Garoonka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here