Home News in English Xukun Lagu Riday Afar Dhalinyaro oo lagu eedeeyay Rabshadihii ka dhacay Örebro

Xukun Lagu Riday Afar Dhalinyaro oo lagu eedeeyay Rabshadihii ka dhacay Örebro

0
Foto: Johan Nilsson/TT / NTB

Afar nin ayaa lagu soo oogay dacwad ku aadan inay wax u dhimeen cutubyo ka tirsan booliska magaalada Örebro, intii lagu guda jiray rabshadihii ka dhacay magaalada ee looga soo horjeeday xagjirnimada garabka midig ee Rasmus Paludan oo gubayay kitaabka Quraanka Kariimka ah.

Afartan qof ayaa lagu helay dambiga qaran dumisnimo, waxaana lagu xukumay xabsi u dhaxeeya 4 ilaa 5 sano iyo bar.

Maxkamadeyntu waxay socotay saddex maalmood Maxkamadda Degmada Orebro , waxayna xeer ilaalintu inta badan iftiimisay sawirro iyo muuqaalo caddayn ahaan.

Raggan oo da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 30 jir, ayaa qirtay qaybo ka mid ah dhacdooyinka ay socdeen, balse dhammaantood waxa ay beeniyeen in ay danbiile yihiin oo ay si xun u waxyeeleeyeen booliska.

Isniintii, xeer ilaaliyaha guud ayaa codsaday in lagu xukumo xabsi u dhexeeya siddeed ilaa toban sano dhammaan dadka oo dhan iyo masaafurinta saddex ka mid ah eedaysanayaasha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here