Home Wararka Caalamka Xubin ka tirsan Barlamaanka Sweden ee Xisbiga SD oo Xubintiisa Taranka u...

Xubin ka tirsan Barlamaanka Sweden ee Xisbiga SD oo Xubintiisa Taranka u diray Haween tiro badan

0

Xisbiga “Sweden Democrats” ayaa bilaabay inuu baaritaan ku sameeyo mid ka mid ah ku xigeenadiisa baarlamaanka, ka dib markii uu soo diray muuqaal galmo ah, oo uu ku muujiyay xubintiisa taranka, dhowr dumar ah.

Sida uu qoray wargeyska Aftonbladet, muuqaalkan ayaa ku faafay baraha bulshada ee Sweden.

Madaxa warfaafinta ee xisbigaasi ayaa sheegay in hadii ku xigeenkani uu soo diray muuqaalkaasi bilaa codsi ah in loo gudbiyo booliska.

Xisbiga ayaa xaqiijiyay in ay la socdaan wararka arrintan la xiriira oo ay sheegeen in ay bilaabeen baaritaanno iyaga u gaar ah oo ku saabsan in guddoomiye ku xigeenka uu sawiro aan loo baahneyn u diray haweenka.

Xisbigu waxa uu tilmaamay in ay xaqiiqada ka gaadhi doonaan eedahaas

Waaxda warfaafinta ee xisbiga ayaa email ugu soo qortay Aftonbladet: “Sida ku cad xogta na soo gaadhay, tani waa hab-dhaqan aan habboonayn oo aanu si dhab ah u qaadanayno. Xildhibaanka waanu la hadli doonaa, wixii dhacayna waanu ogaan doonaa”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Haddii muuqaalkan qof loo soo diray iyada oo aan wax codsi ah laga helin, dabcan waa in lagu wargeliyaa booliiska. Si taxadar leh ayaanu ula socon doonaa oo dib ayaan idinkugu soo laaban doonaa marka aanu arrinka caddayno.

Sida laga soo xigtay Nyheter idag, waxay u muuqataa in laga diiwaan geliyay xafiis ku yaala baarlamaanka. Waxaana uu ku soo diray Facebook Messenger. Taas oo muujinaysa in ku xigeenku yahay xisbiga soo diraya muuqaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here