Home News in English Xisbiyada Sweden oo ka dooday Ciqaabta Dhalinyada geesta Dambiyada

Xisbiyada Sweden oo ka dooday Ciqaabta Dhalinyada geesta Dambiyada

0

Dalka Sweden ayaa kamid ah Wadamada Yurub kuwooda aan ciqaabin dhalinyada kuwooda aan qaangaarin taasi oo keenta in mudo yar la xiro kuwa lagu helo dambiyada.

Xisbiyo badan oo ku jira Barlamaanka ayaa soo jeediyay in la badalo sharciyada iyadoo lala simayo ciqaabta ay la kulmaan dadka waaweyn.

Xisbiga SD ayaa soo jeediyay in Sharciga la badalo lakin Xisbiga kale ee Miljopartiet ayaa kasoo hojreestay arintaasi iyagoo aaminsan in dhalinyarada ay geesan karaan dambiyo waaweyn hadii xabsi dheer lagu xukumo Xisbiga SD ayaa aaminsan in ay yaraan karto toogashada hadii sharciga la badalo.

Rasmus Ling oo ka tirsan Xisbiga Miljöpartiet oo la hadlay radiosverige ayaa sheegay in dhalinyarada ay xabsiga ka baran karaan saaxiibo kuwaasi oo dambiyo waaweyn soo geestay iyagoo ka heli kara fikrado keeni kara in ay geestaan dambiyo ka ween kuwa hada ay geestaan.

Gobolada Dalka Sweden waxaa badanaa ka dhaca toogasho kuwaasi oo isku geestaan dhalinyarada ka tirsan kooxaha gaangiska ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here