Home News in English Denmark oo Sharciga u soo celisay 59 qof oo Somali ah oo...

Denmark oo Sharciga u soo celisay 59 qof oo Somali ah oo horay sharciga looga ceshtay

0

Hey´adda Qaxootiga dalka Denmark ayaa sharciga magangalyada dib ugu celisay 59 qof soomaali ah, kuwaasoo kamid ahaa 214 qof oo cabasho ka gudbiyay go´aan ahaa inay Denmark isaga baxaan.

Hey´adda oo qof walba si gooni ah kiiskiisa u qiimeysay ayaa go´aamisay in 59-kan qof aysan amni waara ku heli karin Soomaaliya, sababo kala duwan. Sidaas darteedna loo soo celiyo sharcigii magangalyada ee lagala noqday markii hore.

154-ta qof ee ka soo hartay 214 Soomaali ah  ee cabashada gudbiyay, ayaa la siiyay taariikh kama dambeys ah oo ay dalkaas isagaga baxaan.

214 qof ee cabashada ka gudbiyay go´aanka lagu amray inay Denmark isagaga baxaan ayaa ka mid ahaa ku dhawaad 1,200 Soomaali ah oo dowlada Denmark sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto baahidooda magangalyo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here