Home Wararka Maanta Xisbiyada Sweden oo baaritaan ku sameenaya Siyaasiyiintooda ku jira Barlamaanka

Xisbiyada Sweden oo baaritaan ku sameenaya Siyaasiyiintooda ku jira Barlamaanka

0

Inta lagu guda jiray Xiliga Guga ee aan soo dhaafnay Siyaasiyiinta Barlamaanka qaar ayaa lagu helay Dambi ah in ay heleen Lacago ku soo galay Qaab Qayaano ah.

Siyaasiyiinta ayaa helay labo lacag oo kala duwan kadib markii ay sheegeen in ay ku noolyihiin Labo Guri Halka Kuwa kale ay lacagtaasi ku Heleen guryaha La dago Xiliga Fasaxa.

Siyaasiyiinta Ayaa  ku noolaa guryo ku Yaalla Caasimada Stockholm iyo guryo kale oo ka dhisan Magaalooyin kale Qaarkood ayaa qortay in Waalidkooda la noolyihiin.

Xisbiyada Sweden badankooda ayaa maanta soo jeediyay Baaritaan ay ku Sameenayaan Siyaasiyiintooda ee Ku Aadan Qayaanada looga Shakiyay.

Xisbiyada soo bandhigay go’anka waxaa kamid ah Miljöpartiet, Centerpartiet, Vänsterpartiet iyo Kristdemokraterna Lakin Xisbiyada Kale ayaa Sheegay in ay aaminsanyihiin Siyaasiyiintooda Marka la fiirsho sharciga.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here