
Hogaamiyaha cusub ee xisbiga Bidixda Nooshi Dadgostar ayaa sheegay in wali taagan tahay kalsooni kala noqoshada dowlada Stefan sida ay shaacisay Sveriges Radios Ekot .
sababta ugu weyn ayaa ah in Dowlada aysan wali go’anmid sharciga shaqaalaha ee dooda badan dhaliyay kaasi oo wali taagan
– Weli ma ogin halka hawshani ku dhammaanayso, ballanqaadkeenna kalsooni darrana wuu sii jiraysaa, ayay tiri hoggaamiyaha V oo la hadashey Ekot.
V ayaa ku tilmaamaysa baaritaanka mid aan dheelitirneyn oo loo daneynayo loo shaqeeyaha xili go’aanka kalsooni kala noqoshada lagu gaaray shirkii guddiga xisbiga ee galabnimadii Sabtida, sida ay u sheegtay Ekot.
Kahor kulanka, xisbiga dhexdiisa ah ayaa laga dalbaday V inay si adag uga istaagaan halista ka taagan arimaha shaqada .