Dowlada Norway ayaa Qaxootiga Dalkaasi iska dhiiba ee ku jira xaruumaha Qaxootiga waxay kaalmo ahaan u siisaa lacag gaareysa 2044 kr bishii taasi oo ah lacag aan ku filneyn marka la eego xaalada xiligan ee aduunka.
Xisbiga SV ee Norway ayaa hada soo bandhigay qorshe uu ku doonayo inuu kordhiyo lacagtaasi oo maalinta gaareysa 68 karoon.
SV ayaa sheegay in uu Dowlada kala hadlay arintan isla markana kula gor-gortamidoono si dadka qaxootiga loogu kordhiyo lacagta kaalmada.
Dowlada ayaa u baahan taageerada Xisbiga SV ee garabka bidix si ay u meelmariso miisaaniyada sanadka 2023.
Lacagta kaalmada ayaa ah mid Qofka Qaxootiga u isticmaalo nolol maalmeedkiisa.
AD