xisbiga Socialdemokrati oo ku jira maalmihiisa u danbeesay ee doorashada sweden oo bilaabatay ayaa sheegay in uu doonayo saro u qaadida canshuurta laga qaado bangiyada dalka kuwaasi oo faa.ida badan ka hela lacagta ganacsiga.
ku dhawaad 5 Billion ayaa saro loogu qaadidoonaa lacagta canshuurta ee bandhiyada sida uu sheegay Magdalena Andersson oo ah wasiirka dhaqaalaha sweden.
” kuwa hela lacagta ugu badan ee dalka waa in ay u tabarucaan ama u naxaan bulshada” Magdalena Andersson ayaa sidaasi tiri.
sida wasiirada sheegtay bangiga Nordea ayaa bixindoona lacagtaasi xataa hadii uu xafiiskiisa u raro dhanka wadanka Finland iyadoo dhamaan bandhiyada sweden ay si isku mid ah looga qaadayo lacagta canshuurta.
Somaliska Stockholm
Wararka kale ee Maanta
AD