Xisbiga Socialdemokraterna oo Mamnuucaya Dugsiyada Diiniga

Photo: Pontus Lundahl / TT

Xisbiga Talada Dalka Haya ee Socialdemokraterna ayaa maanta Cadeeyay go’aankiisa la Xiriira Doorashada Sweden kadib waxa uu soo bandhigay Qodobo Cusub.

Qodobada uu Xisbiga soo bandhigay ayaa ka koobnaa 10 qodob waxana ugu muhiimsanaa Mamnuucista Dugsiyada / iskuulada Diiniga ee Dalka ka dhisan.

Xisbiga ayaa diirada saaraya inuu Dalka ka mamnuuco Dugsiyada Diiniga kuwaasi oo ay u arkaan kuwa saameyn ku yeeshay bulshada qeebaheeda kala duwan.

Mawduuca dugsiyada, Hallengren Waxay ugu yeedhay dugsiyada diinta ee madaxa-bannaan “dhibaato”. “Waxaan ka ognahay hay’adda amniga (Sabo) in uu jiro xiriir ka dhexeeya dugsiyada qaarkood iyo Rabshadaha islaamiyiinta ee Deegaanka,” ayay tiri. Aad bay khatar u tahay.”

Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*