Home Wararka Caalamka Xisbiga SD ” Waxaan Sameeneynaa Wax walbo oo looga hortagi karo dhismaha...

Xisbiga SD ” Waxaan Sameeneynaa Wax walbo oo looga hortagi karo dhismaha Masjidka Linköping

0

Bulshada Islaamka ee ku nool Linköping ayaa wada qorshe masaajid loogu dhisamayo magaaladaasi taasi oo dadaalkeeda uu marayo meel wanaagsan.

Xisbiga SD gaar ahaan Xilibaan ka tirsan Xisbigaasi una matalo deegaanka ayaa sheegay in Xisbiga uu sameenayo wax walbo oo looga hortagayo dhismaha Masjidka.

Chris Dahlqvist ayaa sheegay in xisbigoodu uu ku dadaali doono sidii loo joojin lahaa dhismaha masaajidka, sababtoo ah qiimaynta xisbigu waxay dhibaato ku tahay dawladda hoose.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in xisbigooda SD uu ka hor doorashada u ballan qaaday maamulka degmada Linköping ee sanadka 2022 in uu sameeyo wax kasta oo suurtagal ah si looga hortago in dhismaha masaajidka la qorsheeyay uu noqdo mid dhab ah. 

Waxay ku soo gebagebeeyeen maqaalkoodii wadajirka ahaa: “Waxaa naga go’an wixii aan u ballan qaadnay codbixiyaashayada doorashada ka hor.

Hadalka Xilibaanka ayaa ku soo aadaya iyadoo Sweden ay ka jiraan Muran ku aadan Gubista Quraanka kaasi oo ka careysiiyay dhamaan wadamada Muslimiinta ee Caalamka madama uu dhoor jeer soo laabtay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here