Dawladda Sweden oo kaashanaysa xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa go’aan ku gaadhay in la bilaabo baadhitaan lagu samaynayo xad-gudubyada iyo tacadiyada sharafta la xidhiidha ee ka jira dugsiyada Sweden iyo sidii wax looga qaban lahaa, iyada oo ku tilmaantay “caqabadda ugu weyn ee hortaagan mabda’a sinnaanta ee dugsiyada Sweden”. Dhanka kale, xisbiga SD ayaa ku baaqay in gabi ahaan iskuulada laga mamnuuco xijaabka, iyagoo tusaale u soo qaatay Faransiiska.
Wakaaladda wararka ee TT ayaa sheegtay in dhinacyadu ay tusaale u soo qaateen arrintan, sida in carruurta laga ilaaliyo in ay la ciyaaraan cidda ay rabaan, in aanay xidhin dhar gaagaaban xilliga kulaylaha, in aan loo ogolayn in ay tagaan barkadda dabaasha, ama in carruurta yaryar ee ku jirta dugsiyada barbaarinta laga hor istaago in ay ag seexdaan ilmo aan jinsi kale ahayn xilliga hurdada.
“Tobanaan kun oo qof, gaar ahaan gabdhaha, ayaa tan la marsiiyaa sannad walba, ma go’aansan karaan cidda ay la noolaan doonaan, mana go’aamin karaan noloshooda,” ayay tidhi wasiirka dugsiyada Lotta Edholm