Hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna, Ulf Kristersson oo shir jaraa’id qabtay dhowaantan ayaa sheegay inuu ka xun yahay go’aanka ay ku dhawaaqday hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet isagoo ku tilmaamay in xisbigaasi uusan ixtiraamin isbaheysiga Alliansen.
Shir jaraa’id oo ay galabta qabatay hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet, Annie Lööf kadib kulan ay la yeelatay hoggaanka iyo xildhibaannada xisbiga iney ku talo bixin doonaan kulanka berito inuu xisbiga C Haa ugu codeeyo Stefan Löfven. Isagoona uu hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ku sheegay inuu aad uga xun yahay go’aankaa.
-Waa go’aan aan u wanaagsanayn Sweden, sida uu sheegay. Kristersson oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay inuu xisbigiisu halkiisii ka sii wadi doono siyaasaddii uu u taagnaa ee garabka midig, sidii uu horey u ballan qaaday, isla markaana haddii uu go’aankaani hirgelo uu xisbigiisu gashan doono shaarka mucaaradka.
Kristersson ayaa sheegay in tallaabadani noqon doonto xabaashii garabkii midig ee Alliansen ee qarameed.
Somaliska Stockholm
Xigasho/radiosverige