Home Wararka Maanta Annie Lööf oo Shir Jaraa’id ku Xaqiijisay in ay Fasaxday Dowlada Stefan...

Annie Lööf oo Shir Jaraa’id ku Xaqiijisay in ay Fasaxday Dowlada Stefan Löfven.

3

Hogaamiyaha Xisbiga Centerpartiet ayaa ugu danbeyn Galabta waxay shir jaraa.id ku xaqiijisay in Xisbigeeda uu Fasaxay Dowlada uu soo dhisayo Xisbiga Socialdemokraterna iyadoo taageeridoonta hadii Barlamaanka la horkeeno.

Taageerida Xisbiga ayaa yimid kadib markii wada-hadal uu maanta dhexmaray xiabiyada kala  S, MP, C and L kuwaasi oo ku heshiiyay Qodobo muhiim ah oo ay kamidyihiin in imtixaan lagu xiro Qofka qaadanaya Basaboorka Sweden.

Annie Lööf ayaa ka dhawaajisay qeybo kamid ah heshiiska ay la gaareen Dowlada kaasi oo sabab u noqday in taageero rasmi ah ay siiyo dowlada heshiiska ay la gaartay isla markana dowlada heyso waxaa kamid ah in luuqada lagu xiro qofka qaadanaya dhalashada dalka iyo in canshuuraha duulimaadka in sidii hore lagu sii wadyo .

Warbaahinta Somaliska ayaa heshay qodobada heshiiska waxaana uu ka koobanyahay 73 qodob oo heshiiska lagu gaaray kuwaasi oo qaarkood leh saameyn xoogan.

Annie Lööf ayaa tiri.

”Waxaan dooranay in aan qaadno masuuliyida na saaran waxaan u dhaqaaqnay wado sax ah taasi oo diideen kuwa kale taasi micnaheeda maahan in aan dowlada ka tirsanahay hadii aan taageerno”

dhanka kale xisbiyada kale ee Moderatka iyo KD ayaa ka hadlay goor dhow hadalka hogaamiyaha xisbiga C oo sheegay in ay taageerayaan S.

Wixii ku soo kordha Jawaabta M iyo KD kala Soco Somaliska

Somaliska Stockhom

Xigasho/Aftonpladet

AD

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here