Hogaamiyaha Xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ayaa maanta shir jaraa’id uu qabtay waxa uu ku soo bandhigay Miisaaniyad Cusub oo ku baxeysa 6 Bilyan taasi oo loogu tala galay in dhaqaalaha Dalka dib loogu soo celiyo.
Hogaamiyaha ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay xaalada Corona ee wadanka waxana uu sheegay in Sweden aysan dadka cudurka uga baarin si lamid ah wadamada Norway, Denmark iyo Germany kuwaasi oo ka badan baaritaanka Dalka Sweden.
Waxa uu sheegay in Qofka qaldan uu ku sugan yahay goob Qaldan.
Miisaaniyada Xisbiga M ee loogu magacdaray Qorshaha bixitaanka ayaa loogu tala galay in shirkadaha Dalka lagu Caawiyo si mushahar u helaan Shaqaalaha gaar ahaan kuwa shaqada laga joojin lahaa.
Xisbiyada Dowlada ku jira qaar ayaa taageersan hindisahan hase yeeshee ma cada in uu noqon karo mid guuleesta.
Somaliska Stockholm
Xigasho/svt