Home Wararka Caalamka Xisbiga Liberalerna oo kasoo horjeestay Qoondada Xadidan ee Qaxootiga Sweden qaadaneyao

Xisbiga Liberalerna oo kasoo horjeestay Qoondada Xadidan ee Qaxootiga Sweden qaadaneyao

0

xisbiga Liberalerna ayaa kasoo horjeestay qoondada Sweden ee Qaxootiga ay qaabileyso xisbiga ayaana taageersan in aan la xadidin tirada Qaxootiga ee Wadanka iska dhiibaya Sanad kasta.

Hogaamiyaha Xisbiga Liberalerna Nyamko Sabuni ayaa go’ankaasi u aragta mid ka hor imaanaya Xaquuqda uu Qofka leeyahay lakin waxay sheegtay in ay diyaar u tahay ka hadalka arimaha kale ee muhiimka ah.

Ku dhawaad 8 Xisbi ee ku jira Barlamaanka ayaa laga sugayaa in mudo 3 isbuuc ah ay soo gudbiyaan siyaasada Qaxootiga Sweden iska dhiibaya Mustaqbalka.

Labo kamid ah 8 Xisbi ayaa kasoo horjeeda xadidaada Qaxootiga Halka inta kale isku raacsanyihiin in la yareeyo tirada Qaxootiga ee wadanka iska dhiibaya.

Xisbiga SD ayaa fakar ahaan aaminsan in guud ahaan wadanka laga joojiyo Qaxootiga Halka S M ay qabaan fakar ah in wadamada yurubta kale lala qeyb sado Qaxootiga.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here