Home Wararka Maanta Xisbiga Libaraalka oo ogolaaday Wada Shaqeynta Xisbiga Sverigesdemokraterna

Xisbiga Libaraalka oo ogolaaday Wada Shaqeynta Xisbiga Sverigesdemokraterna

0

Khilaafaadka booska iskaashi ee lala yeesho SD ayaa ku soo laabtay madaxda sare ee xisbiga Libaraalka, kadib shirka guud ee ugu qabsoomay Linköping isbuucaan.

Hogaamiyayaasha xisbiga Libaraalka ayaa ka dalbanaya Congress-ka xisbiga guud amar cad si ay awood ugu yeeshaan in ay wadashaqeyn la yeeshaan SD haddii mucaaradka ay ku guuleystaan ​​​​doorashada soo socota ee 2022.

Gudoomiyaha xisbiga Nyamko Saboni ayaa sheegtay in aysan suurtagal ahayn in la dhiso dowlad awood leh haddii xisbiyada kale laga saaro.

Gugii hore ayaa shirweynaha xisbigu isku raacay in uu la shaqeeyo xisbiga Sverigedemokraterna.

Saboni waxa ay muujisay sida ay u aaminsantahay in wada shaqaynta xisbiga aan kor ku soo xusnay aanay noqon doonin mid ka fog dhibaatooyinka gudaha ee xisbiga dhexdiisa, inkasta oo la ansixiyay shirweynihiisa iskaashiga.

Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyaha xisbiga ayaa aaminsan in xisbiyada garabka bidix laftooda ay ku tiirsan yihiin taageerada xisbiga SD ee dhinacyo badan, sidaas darteed waxay aaminsan tahay in wada shaqaynta la filayo ee u dhaxaysa xisbigeeda iyo xisbiga aan kor ku soo sheegnay aysan noqon doonin mid wax u dhimaya mabaadi’da liberaaliga ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here