Home News in English Xildhibaanad Leila Elmi oo Taariikh kale ka dhigtay Barlamaanka Dalka Sweden

Xildhibaanad Leila Elmi oo Taariikh kale ka dhigtay Barlamaanka Dalka Sweden

0
Foto: Henrik Montgomery/TT

Shalay ayaa si toos ah loo soo bandhigay natiijada Doorashada Dalka Sweden gaar ahaan in codadka oo dhan la tiriyay.

kadib natiijada waxaa Xildhibaan walbo uu arkay inuu ku soo laabtay booskiisa Xildhibaanimo ama in uu ka dhacay Booskaasi.

Xildhibaano Caan ka ah Dalka Sweden gaar ahaan dhanka Siyaasada ayaa sanadkan iska waayay Masraha Siyaasada Dalka lakin taasi badalkeeda waxaa Taariikh dhigtay Xildhibaanad Leila.

Leila Elmi ayaa barteeda Facebook ku Xaqiijisay inay ku soo baxday dhanka barlamaanka isla markana Afar sano oo kale ay booskaasi ay matalidoonto.

Leila Elmi ayaa Barlamaanka kasoo gashay dhanka Caasimada Götenborg iyadoo mataleysa Xisbiga Miljöpartiet.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here