Home Wararka Caalamka Xildhibaanad eedeeyn yaab leh loo jeediyay oo is casishay

Xildhibaanad eedeeyn yaab leh loo jeediyay oo is casishay

0

Xildhibaanad u dhalatay dalka New Zealand ayaa is casishay kaddib markii dhowr jeer lagu eedeeyay inay dukaamo alaab ka xadday, taasoo uu booliisku baarayo.

Golriz Ghahraman, oo ka tirsan Xisbiga Green, ayaa la sheegay inay saddex jeer alaab ka xadday labo dukaan oo dharka iibiya – mid wuxuu ku yaallaa Auckland halka kan kalena uu ku yaallo Wellington.

Xildhibaannaddan oo qareen xuquuqda aadanaha u doodda hore uga ahayd QM ayaa taariikh dhigtay sanadkii 2017 kaddib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaxooti ah oo ka mid noqotay dowladd.

Waxay sheegtay in cadaadis ka heystay dhanka shaqada uu sabab u yahay inay sidan u dhaqanto.

“Dad badan baan niyad jebiyay aad baana uga xumahay,” ayay tiri.

Ms Ghahraman ayaa kasoo carartay Iiraan iyadoo ilmo yar ah, iyada iyo qoyskeeda ayaana magangalyo laga siiyay New Zealand.

Iscasilaaddeeda maanta ayaa imaaneysa kaddib markii la helay muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon oo muujinaya iyadoo boorso qaali ah ka qaadaneysa dukaan ku yaalla Auckland.

Haweeneydan oo 42 jir ah, oo aan weli dembi lagu soo oogin, ayaa sheegtay in ficilladeeda aysan ahayn dhaqan habboon oo ay bulshadu ka filaneyso wakiillada la doortay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here