Home Wararka Maanta Xawaaladaha Somalida Sweden qaar oo laga xiray Koontooyinka ay ku lahaayeen Bangiyada.

Xawaaladaha Somalida Sweden qaar oo laga xiray Koontooyinka ay ku lahaayeen Bangiyada.

0

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa dhowr qof oo tijaabiyay in ay Iswiidhan ka saaraan lacag cadaan ah lagu qabtay madaarka Arlanda. Waa sida uu sheegay xeer ilaaliyaha kiiskan Ashraf Ahmed oo filaya inuu arrinkani xidhiidh la leeyahay in bangiga Swedbank xidhay koontooyin uga furnaa dhowr xawaaladood oo lacago u xawila Soomaaliya.

Habane Hassan guddoomiyaha ururka isbaheeysiga ummada somaaliyeed ee Iswiidhan ayaa sheegay in labaataneeyo shirkado noocan oo kale sidaas looga xidhay koontooyinkoodii.

-Waxeey saameeysay soomaalida Iswiidhan ku nool ee doonaya in ay qaraabadooda u diraan biil, ayuu yidhi.

Bilihii ugu dambeeyay ayuu bangiga Swedbank xidhay koontooyin dhowr xawaaladood oo Soomaaliya lacag u dira. Sababta ayaa ah sida ay ku caddeeyd warqado loo soo diray shirkadahan in aaney ballan qaadi karin in lacagtan aan lagu maalgelin ururada argagaxisada.

Per Nordkvist oo ka hawlgala hayadda kormeerka maaliyadda ayaa sheegay xitaa hadii ay shirkadahani ogolaansho ka haystaan bangi ey leeyihiin qeeynuuno iyaga u gaar ah.

Raadiyaha Iswiidhan ayey soo gaadhay in siddeed shirkadood oo ogolaansho ka haystay hayadda kormeerka maaliyadda ey lix ka mid ahi  koontooyin uga furnaayeen bangiga Swedbank. Koontooyinkaasina oo la xidhay xilligii kala guurka sannadihii 2018-2019. Halka labada xawaaladood ee kale laga xidhey koontooyin ey ku lahaayeen bangiga Nordea.

Sharci hirgalay sannadkii 2017-kii ayaa bangiyada ku khasbayay in ay ogaadaan halka ey lacagaha xawaaladuhu tegeyaan iyo cidda loo dirayo. Si looga hor tago maalgelinta ururada argagaxisada.

Ibrahim Omar ayaa madax ka ah xawaalad dhowaan la xidhay.

-Dabcan wey wanaagsan tahay in laga hor tago maalgelinta ururada xagjirka, laakiin maaha in shirkadaha daacada ah la xidho, sida uu sheegay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here