Xamaas iyo Israa’iil ayaa ku heshiiyey xabbad joojin laga sameeyo Gaza.
Xabbad-joojintu waxay socon doontaa muddo lix toddobaad ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Sida uu dhigayo heshiiska, la haystayaasha iyo maxaabiista ayaa la sii dayn doonaa.
Dhinacyadu waa ogolaadeen in heshiiska uu dhaqan-galo.
19-ka Janaayo, xabbad joojinta Xamaas iyo Israa’iil ee Gaza ayaa bilaabaneysa Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa sheegay sidaasi.
Muddo lix toddobaad ah
Xabbad-joojintu waxay soconaysaa lix toddobaad, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo soo xiganaysa ilo xogogaal ah.
Inta lagu jiro muddadan, ciidamada Israa’iil waa inay si tartiib tartiib ah uga baxaan Gaza.
Heshiisku wuxuu ka dhigan yahay
- 600 oo baabuur oo sida gargaar bini’aadantinimo ayaa lagu wadaa in la geeyo marinka Qaza.
- Xamaas oo sii deyneysa 33 la heyste. Waxaa ku jira dhammaan dumarka, carruurta iyo ragga da’doodu ka weyn tahay 50 jir.
- Israa’iil in ay sii deyso dhammaan haweenka la haysto. Sidoo kale dhammaan carruurta da’doodu ka yar tahay 19 sano ee la xiray ilaa 7 Oktoobar 2023.
- Israa’iil ayaa sidoo kale sii deyn doonta 30 maxbuus oo falastiiniyiin ah qof kasta oo rayid ah oo ay sii daayaan Xamaas. Sidoo kale 50 maxbuus oo lagu xidhay askari kasta oo Israa’iili ah oo Xamaas sii daysay.
Wararka kale ee Maanta
AD