Home Wararka Caalamka Xabad joojintii u dhaxeysay Armenia iyo Azerbaijan oo bur burtay ( Wararkii...

Xabad joojintii u dhaxeysay Armenia iyo Azerbaijan oo bur burtay ( Wararkii ugu danbeeyey ee Xiisada)

0

Armenia iyo Azerbaijan waxay ku heshiiyeen xabad joojinta uu garwadeenka ka yahay Ruushka ee ku aadan Gobolka Nagorno-Karabakh laga bilaabo Sabtida maanta, laakiin waxay isla markiiba ku eedeeyeen midba midka kale inuu qalqal galiyay heshiiskii loogu talagalay in lagu joojiyo colaada ugu ba’an ee ka dhacda gobolka gooni u goosadka madama labada dhinac ay duqeyn is dhaafsadeen.

Labada dhinac waxay isku eedeeyeen jabinta xabad joojinta oo dhaqan gashay duhurkii  iyadoo lagu qaaday weeraro cusub, Caasimada Nagorno-Karabakh iyo goobo kale oo dad shacab ah ku noo yihiin.

Ku dhawaaqida xabad joojinta ayaa timid kadib 10 saacadood oo wadahadalo ah oo ka socdey magaalada Moscow oo uu ka danbeeyay Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Sergey Lavrov. Heshiiska ayaa dhigayay in xabbad joojintu ay gogol xaar u noqoto wadahadallo lagu xallinayo khilaafka.

Haddii xabbad joojintu socoto, waxay calaamad u noqon doontaa guul diblomaasiyadeed oo Ruushka gaaray, oo heshiis nabadgelyo la leh Armenia sidoo kalena xiriir wanaagsan la yeeshay Azerbaijan. Laakiin heshiiska waxaa isla markiiba caqabad ku noqday sheegashooyinka labada dhinac ee xadgudubyada.

Daqiiqado kadib markii xabbad joojintu ay burburtay militariga Armenia waxay ku eedeeyeen Azerbaijan in ay madaafiic ku garaaceen nawaaxiga magaalada Kapan ee koonfur-bari Armenia, halkaasna uu ku dhintay hal qof oo rayid ah. Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa ku eedeysay eedeymaha Armenia inay tahay “daandaansi”.

Milatariga Azerbaijan, ayaa dhankooda, ku eedeeyay Armenia inay gantaalo ku garaacday gobolada Terter iyo Agdam ee Azerbaijan ka dibna ay isku dayayso inay weeraro ka fuliso Agdere-Terter iyo aaga Fizuli-Jabrail. Wasiirka Arimaha Dibada ee Azerbaijan Jeyhun Bayramov ayaa ku eedeeyay in “shuruudihii lagu fulin lahaa xabad joojinta bani’aadamnimada ay hada jirin iyadoo wali ay socoto duqeynta Armenia.

Wasaaradda Difaaca ee Armenia ayaa beenisay wax xadgudub ah oo ay sameeyeen ciidamada Armenia.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee udhaxeeya Azerbaijani iyo ciidamada Armenia wuxuu bilaabmay 27-kii Sebtember waxaana ku dhintay boqolaal dad ah waana dagaalkii ugu weynaa ee iskahorimaadyada tobaneeyo sano jirsaday ee ka socda Nagorno-Karabakh tan iyo markii dagaal gooni goosad ah uu halkaas ku dhammaaday 1994. Gobolku wuxuu ku yaal Azerbaijan laakiin waxaa gacanta ku hayey xoogagga qowmiyadaha Armenia oo ay taageerto Armenia.

Somaliska Ankara

Xigasho/Time.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here