Home Wararka Maanta Xaafadaha ay daganyihiin Qaxootiga oo lagu kordhiyo lacagaha kirada kuryaha

Xaafadaha ay daganyihiin Qaxootiga oo lagu kordhiyo lacagaha kirada kuryaha

0

Qaramada Midoobey ayaa warqad digniina ugu sheegtay hoggaanka magaalada Stockholm cawaaqibta ka imman karta marka guryaha degmooyinka laga iibiyo shirkado waaweyn taasoo keeneysa iney shirkadahani kor u qaadaan kirada guryaha kadib marka ay dayac tiraan.

Emilia Bjuggren (S), madaxa degmada Stockholm ee mucaaraadka.

– Arrintan ayaa keeneysa khatar balaaran, ayey tiri Emilia Bjuggren (S).

Warqadan digniinta oo la gaarsiiyey dowladda iyo madaxda degmooyinka ayaa ka timid Qaramada midoobey qeybta mashruuca Agenda 2030 waxana ku saxiixan laba khubaro oo la kala yiraahdo Leilani Farha iyo Surya Deva, oo u qaabilsan arrimaha degaanka iyo xuquuqda bani’aadanka.

Mashruuca Agenda 2030 ayaa ka kooban 17 qodob oo caalami ah ee la xiriira horumarka wax ku oolka ah. Warqaddan ayaa xuseysa in kirada Stockholm iyo nawaaxigeedu ay aad kor ugu kacday tobankii sano ee ugu danbeeyey qaas ahaan kolka ay milkiilayaasha cusubi dayac tiraan guryaha. Qoraayaasha warqadda ayaa sidoo kale xusay iney walwal ku abuurtay inaanu jirin sharci hagaagsan ee arrintaa wax looga qaban karo, waliba xaafadaha danyarta taasoo ay muhim tahay inuu qof kastaa helo guryo kiradoodu macquul tahay.

Emilia Bjuggren (S), madaxa degmada Stockholm ee mucaaraadka ayaa dhaleeceyn u soo gudbisay siyaasadda degaanka ee xisbiyada garabka midig ”borgerlig”.

– In Qaramada midoobey arrintan ka hadasho ayaa caddayneysa sida ay arrintani dhibaatada u keeneyso. Waxaan u aragnaa in siyaasadda deegaanka ee xisbiyada garabka midig aanay waafaqsaneyn mashruuca Agenda 2030, ayey tiri.

Erik Slottner, hogaamiyaha xildhibaannada Kristdemokraterna ee maamulka degmada Stockholm ayaa sheegay in iibinta hantida degmada loogu baahanayo si ay magaaladu u hesho maalgelin.

– Wax soconaya ma aha in deynta nalagu leeyahay sii korodho. Balse shirkadaha iyo guryaha la iibineyo mid waliba waa in goonidiisa loo eegaa.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Sverigeradio

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here