Home News in English Xaafada Husby: 100 Qof oo Xabsiga la dhigay kadib Rabshado ka dhacay...

Xaafada Husby: 100 Qof oo Xabsiga la dhigay kadib Rabshado ka dhacay Halkaasi

0
Foto: Jonas Carnesten/Sveriges Radio

Shan qof ayaa xabsiga loo taxaabay 105 kalena waxaa lagu xiray qeybta Xabsi sugista kadib dagaal ka dhacay xaafada Husby ee magaalada Stockholm.

РWaxay ku saabsan tahay isku dhac laba kooxood oo ku kala aragti duwan arrimo ay isku qabteen, ma sii faahfaahin karo intaas, ayay tidhi afhayeenka bilayska Helena Bostr̦m Thomas.

Isku dhacu waa inuu yimid 4pm sabtidii markii booliiska looga yeeray xarunta Husby.

РWax yar ka hor 7:30 p.m. isku dhacu wuu sii xumaaday, booliiskuna waxa ay ku qasbanaadeen in ay ku buufiyaan sunta daka ka ilmeysiisa si ay u joojiyaan dagaalka, ayay tiri Helena Bostr̦m Thomas.

Wixii intaa ka dambeeyay waxay ku hawlanaayeen sidaan u u ilaalin laheen nidaamka iyo ammaanka goobta, waxaana saacadu markii ay ahayd 9:00 habeenimo xaaladdu ay noqotay mid degan.

– Kuwa xabsiga loo taxaabo waxaa laga soo daabulay halkaas  ayay tiri Helena Boström Thomas.

Baaritaan horudhac ah oo ku saabsan rabshado ayaa la bilaabay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here