Booliska ayaa sheegay in ninkan laga helay meel xaafad ah saqdii dhexe ee xalay kadib markii halkaasi lagu toogtay.
21-jirka ayaa isla goobta ku dhintay, ehelkiisa ayaa lagu wargaliyay sida uu Qoray wargayska Aftonbladet .
Booliis aad u tiro badan ayaa habeenkii oo dhan ka shaqaynayay aagga, oo ay ku jiraan inay albaabada u garaacayaan Dadka deegaanka si ay u ururiyaan macluumaadka markhaatiga.
Dhowr qof ayay boolisku baaritaan ku sameeyeen iyagoo ku guda jira baadigoobka dadka laga shakisan yahay, balse ma jirto cid loo soo qabtay. Diyaarado Helicopter ah iyo Eeyo ayaa ka qeyb qaatay baaritaanka. Goobta uu falka ka dhacay ayaa loo xiray baaritaanno farsamo.
Booliisku waxay baari doonaan in dilku xiriir la leeyahay dambiyada burcadda.