Waxaa u hartay Wax ka yar 48 Saac in Magdalena Andersson Noqoto Raisal Wasaaraha Sweden iyo in kale

Waxaa socda wada xaajood u dhaxeeya Hogaamiyaha Xisbiga S Magdalena Andersson iyo Xisbiga V si Xisbiga Bidixda uu ugu ogolaado Magdalena Andersson inay Noqoto Raisal Wasaarha Sweden.

Heshiisyadii ugu danbeeyay ayaa ahaa kuwa aan lagu heshiis waxana hada u hartay mudo ka yar 48 saac in Magdalena Andersson ay noqoto Raisal Wasaaraha iyo in kale.

Hogaamiyaha Xisbiga Vänsterpartiet oo maanta hadashey ayaa sheegtay inaysan ka Xishooneynin inay u codeysa Xisbiga Moderaterna hadii heshiiska S uu fashilmo.

Magdalena Andersson ayaa hada heysata waqtiyadii ugu danbeeyay waxana ay dadaal dheeri ah ku bixineysa in V ay ka hesho taageero.

ka codeynta Xisbiga V ayaa doonaya qodobo dhoor ah oo ah Qorshaha Xisbiga in lagu arko Dowlada lasoo dhisaya.

Lasoco Waxa soo kordha

Somaliska Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*