Home Wararka Maanta Waxa uu Wiilkiisa ku waayay Toogashada Sweden, Waxa uu Aas-aasay Urur Caawiya...

Waxa uu Wiilkiisa ku waayay Toogashada Sweden, Waxa uu Aas-aasay Urur Caawiya Dadka Eheladooda Waayay

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Liibaan oo Iswidhish ah oo asalkiisu yahay soo-galootiga, ayaa waayay canugiisa, kaas oo saddex sano ka hor ay kooxo burcad ah ku dhaawaceen  Järva si khalad ah, iyadoo booliisku ay sheegeen in wiilkaas uusan ahayn mid lagu bartilmaameedsanayay toogashada, sidoo kalena uusan kamid aheyd Burcada.

Aabahaan ayaa maanta TV-ga Sweden ka sheegay in falalka burcadda ah ee dhawaanahan sii kordhayaan ay yihiin kuwo argagax leh oo halis gelinaya dimuquraadiyadda Sweden, isagoo ka hadlayay dareenka murugada iyo musiibada soo wajahday qoyskiisa tan iyo maalintii ugu horeysay ee wiilkiisa uu dhintay.

Liibaan ayaa ka qeyb galay filim dukumentari ah oo uu SVT ka sameeyay dagaalada kooxaha gaangiska ah ee ka socda Stockholm , sida ay u dhaceen rabshadaha burcadda iyo xalalka suurtagalka ah ee lagu joojin karo. Urur ayuu Liibaan ka aas aasay deegaanka si uu taageero ugu fidiyo dadka eheladooda ku waayay.

“Madhnaanta uu qoysku dareemayo waa mid weyn,” Liibaan ayaa yidhi.

Dukumentiga, SVT waxa uu kula hadlayaa dadka ku nool ama ka shaqeeya meelaha u dhow meelaha rabshaduhu ka dhacaan. Qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in la joojiyo dembiyada gaangiska, balse loo baahan yahay in qof walba uu wada shaqeeyo, oo aan kaliya loo marin booliiska iyo adeegga 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here