Home Wararka Maanta Waxa uu iskaga baxay Kooxaha Gangiska lakin Maanta ayaa lagu toogtay Nawaaxiga...

Waxa uu iskaga baxay Kooxaha Gangiska lakin Maanta ayaa lagu toogtay Nawaaxiga Lidingö

0
Nin lagu dilay Lidingö subaxnimadii Isniinta ayaa xiriir la lahaa mid ka mid ah kooxaha gangiska oo hadda dagaal dhiig ku daatay ka wado magaalada Stockholm. wuxuu hada ka shaqeenayay guri lagu caawiyo dambiilayaasha kale, sida lagu sheegay macluumaadka SVT News.

Ilo kala duwan ayaa u xaqiijiyey wakaaladda wararka ee SVT Nyheter in dhibbanaha toogashadii ugu dambeysay uu yahay nin 29 jir ah oo horay u ahaa dambiile culus. Wuxuu xiriir dhow la lahaa dambiyada ka dhaca aagga Järva.  

Sanadkii 2015, waxaa lagu xukumay saddex sano iyo bar xabsi ah kadib falal lagu helay lakin marka uu soo dhameestay kadib ayuu bilaabay shaqo isagoo iska daayay falalka dambiyada waxaa jira xogo iska hor imaanaya oo sheegaya inuu weli xiriir la leeyahay dambiyada jiray. Sida laga soo xigtay ilo madax-bannaan.

Laga soo bilaabo bishii Luulyo, saddex nin oo kale oo da’doodu tahay 20 sano jir ayaa lagu toogtay aagga Järva, sida laga soo xigtay ilaha wararka ee SVT.

Somaliska Stockholm

Xigasho/SVT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here